Duqii Afgooye ee gobolka Shabelaha hoose oo qarax lagu diley

Image

AFGOOYE Jan 19, 2015 [GO]- Duqii degmada Afgooye Cali Caddow Cali ayaa maanta ku dhintay qarax miino oo lala beegsaday baabuur uu watay oo marayay jidka u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraaxaan oo ka dhacey degaan la yiraahdo Xaawo Cabdi ayaa waxaa ku dhintey Labo Askari [ ilaalo ] halka ay ku dhaawacmeen Sadex Qof shacab ah.

AHN Cali Caddow ayaa u socdey nolol maalmeedkiisa shaqo isaga oo ka yimid magaalada Muqdisho kuna socdey degmada Afgooye.

Ururka Al-shabaab ayaa qirtey mas'uuliyada weerarkaan lala beegsadey gaariga uu saarnaa duqa degmada Afgooyo.

Kooxda Al-Shabaab oo laga saarey magaalooyinka waaweyn ee ku yaala Koonfurta Somalia ayaa weeraro gaadmo la eegta ciidamada amniga iyo saraakiisha dowlada Federaalka ah ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM