Eng Yariisow: Maalgeliye Al Shabaab ayay ciidamada ku dileen Wanlaweyn

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay howlgal ku dileen nin maalgelin jiray Al Shabaab.

War qoraal ah oo bartiisa Facebook soo dhigay, ayuu Wasiirka ku sheegay in ninkan oo lagu magacaabi jiray Maclin Jeelle lagu dilay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.

Inta uu socday Howlgalka, ciidamada ayaa isku dayay inu nolosha ku qabteen Maclin Jeelle, balse uu muujiyay iska caabin taasi oo keentay in ciidamada ay toogtaan.

Tallaabadan ayuu ku tilmaamay Wasiirka guul usoo hooyatay ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Al Shabaab wali kama aysan hadlain warka kasoo baxay Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya ee ku aadan dilka ninkaasi la sheegay inuu maal-gelin jiray.

Warar ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ahaa oday dhaqameed dadka deegaanka kamid ah, islamarkaana oo aad looga yaqaaney guud ahaan degmada Wanlaweyn, oo qiyaastii 90Km waqooyi galbeed uga beegan Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM