Erdogan oo Muqdisho ka degay.

Image

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa saakay gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Erdogan oo garoonka diyaaradaha Muqdisho uu ku soo dhaweeyay Maadaxweyne Xasan Sheekh, ayey booqashadiisa Muqdisho qeyb ka tahay safarkiisa dalalka geeska Afrika. 

Dhinac kale  Muqdhishu ayaa saaka ku  waabariisatay, Iyadoo Wadooyinka Laamiga ah ee dhex mara ay wada xiranyihiin amnigana aad loo adkeeyey halka Wadadda Hal Bowlaha u ah Isticmaalka Magaalada ee Makka Al Mukaram , lasoo dhoobay Haween iyo Caruur ku labisan dharka Calanka Turkiga iyo Somaliya, kuwasoo qaadayey heeso Afka Turki ay iyo kuwa Soomaaliya waxaana la maqlayey Erayo ay ka mid ahaayeen Orduga soo dhawoow,  Booqashadaada Dad bay Meeli Bugtaa, Ka xun  ka soo degitaankaaga  Muqdhishu Iyo Erayo kale. Dumarkaas iyo caruurta ayaa dad kale ku soo biiri karin islamarkaana aan meesha ka tagi karin Goobtaas.  

Erdogan ayaa furi doonaa dhimaha cusub ee safaaradda Turkiga Muqdisho iyo mashaariic kale oo hey'adaha Turkiga ka hirgelinayaan Soomaaliya.

GAROWEONLINE+ BBC

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM