Erdogan oo Muqdisho ka degay.

Image

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa saakay gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Erdogan oo garoonka diyaaradaha Muqdisho uu ku soo dhaweeyay Maadaxweyne Xasan Sheekh, ayey booqashadiisa Muqdisho qeyb ka tahay safarkiisa dalalka geeska Afrika. 

Dhinac kale  Muqdhishu ayaa saaka ku  waabariisatay, Iyadoo Wadooyinka Laamiga ah ee dhex mara ay wada xiranyihiin amnigana aad loo adkeeyey halka Wadadda Hal Bowlaha u ah Isticmaalka Magaalada ee Makka Al Mukaram , lasoo dhoobay Haween iyo Caruur ku labisan dharka Calanka Turkiga iyo Somaliya, kuwasoo qaadayey heeso Afka Turki ay iyo kuwa Soomaaliya waxaana la maqlayey Erayo ay ka mid ahaayeen Orduga soo dhawoow,  Booqashadaada Dad bay Meeli Bugtaa, Ka xun  ka soo degitaankaaga  Muqdhishu Iyo Erayo kale. Dumarkaas iyo caruurta ayaa dad kale ku soo biiri karin islamarkaana aan meesha ka tagi karin Goobtaas.  

Erdogan ayaa furi doonaa dhimaha cusub ee safaaradda Turkiga Muqdisho iyo mashaariic kale oo hey'adaha Turkiga ka hirgelinayaan Soomaaliya.

GAROWEONLINE+ BBC

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM