Ethiopia oo kahor timid in AMISOM laga saaro Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA - Dowladda Ethiopia ayaa doonaysa in Ciidamada ka socda midowga Africa ee AMISOM ay sii joogaan dalka Soomaaliya, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibada Ethiopia.

"Ethiopia mowqifkeeda ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya waa mid cad oo aan ku raacsanayn in xilliga iyadoo aan laga adkaan Al Shabaab laga saaro Ciidamada," ayuu yiri Afhayeen Meles Alem.

Meles Alem ayaa ku baaqay in AMISOM ay sii wado howlgalka Soomaaliya ilaa khatarta Al Shabaab laga wiiqayo gebi ahaan, oo laga saaro dhamaan goobaha ay maamusho Kooxda.

AMISOM oo ka kooban 22,000 oo Askari ayaa waxay ka howlgalayeen Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya tan iyo 2007, waxaana wali aysan ku guuleysan inay dalka oo idil Al Shabaab ka sifeeyaan.

Midowga Africa ayaa dhawaan shaaciyay in AMISOM si tartiib-tartiib ah looga soo saarayo Soomaaliya, iyadoo mas'uuliyadda amniga lagu wareejinayo Ciidamada xoogga dalka, oo hadda la diyaarinayo.

October 14, in ka badan 512 qof ayaa ku dhintay qarax Gaari xamuul ah loo adeegsaday oo ka dhacay mashquulka badan ee Isgoyska Zoobe, ee magaalada Muqdisho, kaasi oo aan jirin wali cid sheegatay, balse dowladda ku eedeysay Al Shabaab.

Qaraxan ayaa muujinaya in khatarta Al Shabaab aysan wali dhamaan.

AMISOM ayaa gacanta ku haysa dhul ballaaran oo laga saarey Al-Shabaab, kuwaasi oo laga baqayo hadii lagu wareejiyo Ciidamada taagta daran ee dowladda Soomaaliya in markale lagala wareego.

Ethiopia ayaa saameyn weyn ku leh Siyaasadda Soomaaliya iyo la dagaalanka Al Shabaab iyadoo ay dalka ka joogaan Ciidamada badan, oo qaarkood ku howlgalaya magaca AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM