Ethiopia oo kahor timid in AMISOM laga saaro Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA - Dowladda Ethiopia ayaa doonaysa in Ciidamada ka socda midowga Africa ee AMISOM ay sii joogaan dalka Soomaaliya, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibada Ethiopia.

"Ethiopia mowqifkeeda ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya waa mid cad oo aan ku raacsanayn in xilliga iyadoo aan laga adkaan Al Shabaab laga saaro Ciidamada," ayuu yiri Afhayeen Meles Alem.

Meles Alem ayaa ku baaqay in AMISOM ay sii wado howlgalka Soomaaliya ilaa khatarta Al Shabaab laga wiiqayo gebi ahaan, oo laga saaro dhamaan goobaha ay maamusho Kooxda.

AMISOM oo ka kooban 22,000 oo Askari ayaa waxay ka howlgalayeen Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya tan iyo 2007, waxaana wali aysan ku guuleysan inay dalka oo idil Al Shabaab ka sifeeyaan.

Midowga Africa ayaa dhawaan shaaciyay in AMISOM si tartiib-tartiib ah looga soo saarayo Soomaaliya, iyadoo mas'uuliyadda amniga lagu wareejinayo Ciidamada xoogga dalka, oo hadda la diyaarinayo.

October 14, in ka badan 512 qof ayaa ku dhintay qarax Gaari xamuul ah loo adeegsaday oo ka dhacay mashquulka badan ee Isgoyska Zoobe, ee magaalada Muqdisho, kaasi oo aan jirin wali cid sheegatay, balse dowladda ku eedeysay Al Shabaab.

Qaraxan ayaa muujinaya in khatarta Al Shabaab aysan wali dhamaan.

AMISOM ayaa gacanta ku haysa dhul ballaaran oo laga saarey Al-Shabaab, kuwaasi oo laga baqayo hadii lagu wareejiyo Ciidamada taagta daran ee dowladda Soomaaliya in markale lagala wareego.

Ethiopia ayaa saameyn weyn ku leh Siyaasadda Soomaaliya iyo la dagaalanka Al Shabaab iyadoo ay dalka ka joogaan Ciidamada badan, oo qaarkood ku howlgalaya magaca AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM