Ethiopia oo maalgashaneysa Dekado ku yaalla Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaaraha Eithiopia, Abiy Axmed ayaa kulankoodii maanta soo saarey War-murtiyeed ka kooban 16 qodob, oo uga hadleen waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

Qodobka 7aad ee War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in labada hogaamiye ay ku heshiiyeen in Eithiopia ay maalgashi ku sameysato afar Dekedood oo ku yaalla Soomaaliya, kuwaasi oo aan la magacaabin magaalooyinka ay ku yaallaan.

Waxay sidoo kale isku raaceen in la dhiso wado dheer oo isku xirta si toos ah Soomaaliya iyo Eithiopia, si loo fududeeyo is-dhegalka Ganacsiga iyo isku socodka shacabka labad dhinac.

Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa isku raacay inay magacaabaan Gudi farsamo oo wadajir ah, oo ka shaqeeya hergelinta heshiiska ay maanta saxiixdeen, kaasi oo muhiim u ah xiriirka Ganacsi iyo maalgashi ee labada dalka.

Dalka Eithiopia oo aan lahayn Deked, ayaa qeyb ka ah Heshiis saddex geesood ah oo bishii April 2018 lagu gaarey Dubai kaasi oo saami dhanka 19% laga siiyay Dhaqaalaha Dekedda Berbera, oo maalgashi ku sameynayso Shirkadda DP World.

Heshiiskan ayaa waxaa gaashaanka u daruuray Dowladda Federaalka oo Baarlamaankeedu ansixiyay qaraara dalka oo dhan looga mamnuucay Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka.

Heshiiska Farmaajo iyo Abiy Axmed ay maanta gaareen ayaa ka dhigan in dowladda Federaalka ay ogolaatey Heshiiska DP World ee Berbera, oo Eithiopia saami ku leh, sidoo kalena dhiseysa wadada isku xireysa Wajaale iyo Berbera. 

Dhawaan waxa uu sidoo kale Abiy Axmed dalka Jabuuti, gaar ahaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle lasoo saxiixday Heshiis malagashiga dalkiisa ugu sameynayo Dekedda weyne ee Doraalle, oo dhawaan laga qaadey Shirkadda DP World.

Dhinaca diblomaasiyadda, waxay labada mas'uul ayaa isla meel dhigay in Soomaaliya iyo Eithiopia midba midka kale oo dalkiisa ka furto Qunsuliyad iyo xafiisyo magaalooyinka waaweyn ee dal kasta.

Eithiopia ayaa hadda Qunsuliyado ku leh magaalooyin ay kamid yihiin Garoowe iyo Hargeysa, oo maamullada halkaasi fadhigoodu yahay kala dhaxeeya xiriiro wanaagsan oo wadashaqeyn ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Natiijo horey loo saadaalinayay oo kasoo baxday doorashadii Galmudug

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ayaa horey u muujiyay walaac ku saabsan hannaanka doorashada.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 07:25PM

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Dib u Celiyay Baasaboorka Kenya

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Jibriil bishii Juun laga celiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 02:08PM