EU-da oo digniin kasoo saartey doorashada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Yurub oo war-saxaafadeed luuqad adag lagu qoray kuna sabasan doorashooyinka heer federaal ee 2020-21 ayaa wuxuu Isniintii sheegay in heshiis la’aanta Soomaaliya ee qabashada doorashada guud ee soo socota ay tahay mid aad u khatar badan.

"Waa muhiim in la sii wado wadahadaladda wax ku oolka ah si loogu heshiiyo hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran," ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub, Josep Borrell.

Borrell ayaa xusay in is-mari-waaga siyaasadeed ee hadda jira uu dhaawacayo kalsoonida ururku ku qabo horumarka Soomaaliya.

"Geedi u socod is-barbar socda, mid hal dhinac ah ama muddo kororsi loo sameeyo hay'addaha oo aan ahayn mid farsamo, waxaa loo tixgelin doonaa in ay horseedeyso dib-u-dhac xoog leh," ayuu ku daray.

Midowga Yurub wuxuu ku dhiiri galiyay hogaamiyaasha Soomaaliya inay xaliyaan ismari waaga siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashooyin.

EU-da ayaa ku boorisay daneeyayaasha siyaasada inay muujiyaan hogaamin kana fogaadaan hadalada hurinaya rabshadaha.

Shirkii ugu dambeeyay ee hogaamiyaha Soomaaliya ee doorashada oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa kusoo dhamaaday is afgarad la’aan waxaana saaxiibada caalamka ay ku baaqeen in dib loo bilaabo wada hadalada xalka lagu goobayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM