Faah faahin ku saabsan duqeyntii Maraykanka ee Saakow

Image

December 30, 2014 (GO)- Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa duqeyn shalay gelinkii dambe diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ka geysatey meel u dhow degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe. 

Warar hordhac ah oo Garowe Online heshay ayaa sheegaya in weerarka lala beegsaday gaari yar oo marayey duleedka tuulada Jawaari oo hoos tagta degmada Saakow.

Gaariga la duqeeyey oo gebi ahaantiisba burburay waxaa la rumeysan yahay inay la socdeen labo sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab. Labada nin midkood waa madaxii sirdoonka iyo amniyaadka Al-shabaab Cabdinaasir Xasan Barakow Tahliil magaciisa xarakiga ahina yahay Cabdishakuur.

Tahliil wuxuu ka soo jeedaa deegaan ahaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana xilligii weerarku qabsaday uu kasoo baxay degmada Bu'aale isagoo kusoo jeedey Saakow.

Af-hayeen u hadlay wasaarada gaashaan-dhigga Maraykanka ayaa xaqiijiyey in weerarka diyaarad Maraykanku leeyahay fulisey isagoo intaas raaciyey in qiimeyn lagu wado natiijada weerarka wixii kasoo baxana dib ay kasoo sheegi doonaan. Maraykanku ma shaacin magaca sarkaalka weerarkaas lagu bartilmaameedsaday.

Saddex bilood kahor ayey ahayd markii duqeyn caynkan  oo kale ahayd oo ka dhacday deegaanka Haawaay ee gobolka Shabeelada Hoose lagu diley hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM

Midowga Afrika oo ugu baaqay Xasan Sheekh iyo Mucaaradka in ay dib ugu laabtaan wada-hadallada

Bayaan kasoo baxay guddiga ayaa lagu ammaanay labada dhinac sida ay ugu diyaar garoobeen wada-hadal toos ah.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:08AM