Faah faahin Qarax ka dhacay Warshaddii hore Nac-naca ee Muqdishu

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Mallayshiyada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada Qarax xoog leh oo maanta ka dhacay Warshadii hore nac-naca ee magaalada Muqdishu, halkaasoo lagu tababaro ciidamo katirsan dowladda Federaalka Somalia.

Qaraxa oo uu fuliyay ruux isku soo xiray walxaha qarxa islamarkaana soo xirtay dharka ciidanka ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen 5 askari iyo gabar yar oo ka agdhaweyd xerada la weeraray.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay in kabadan 15 qof oo ay ku jiraan dad rayid ah.

"Qofka is qarxiyay waxaa lagu joojiyay albaabka xerada halkaasii oo uu isku qarxiyay'', ayuu yiri Abdiqaadir Faarax oo ku sugnaa gudha xerada marka uu weerarku dhacayay.

Faarax oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in xerada ay shir ku lahaayeen mas'uuliyiin ka tirsan milatariga.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha ammaanka dowladda Somalia.

Maanta oo kaliya waxaa Muqdishu ka dhacay Labo qarax oo midkood ahaa miino lagu xiray baabuur uu watay ruux katirsanaa wasaaradda waxbarashada Somalia.

Shalay ayay ahayd markii 15 qof lagu dilay weerar lagu qaaday kolonyo katirsan ciidamada dowladda Somalia oo la socday taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Qaraxyadan ayaa imaanaya xilli Madaxweynaha Somalia uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah ururka Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM