Faah faahin qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta Muqdisho ka dhacay

Image
Image

December 3, 2014 (GO)- Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax ismiidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Af-hayeenka Booliska Dowladda Federaalka Qaasim Axmed Rooble oo shir-saxaafeed qabtay ayaa sheegay in qaraxa uu fuliyey nin dhallinyaro ah oo watey gaari yar oo waxyaabaha qarxa lagu soo rakibay.

Af-hayeenka ayaa intaas raaciyey in ninkaasi markii hore isku dayey inuu garoonka gudaha u galo haseyeeshee la celiyey kadib markii qaar kamid ah ilaalada garoonku ka shekiyeen dabadeedna uu qaraxu dhacay waxyar kadib markii la damcay in gaarigiisa la baaryo.

Khasaaraha weerarkaasi geystey mar waxa laga weydiiyey wuxuu sheegay in 4 qof oo midkood yahay sarkaalkii gaariga joojiyey dhinteen 12 qof oo kale oo rayid u badanna dhaawacyo kala duwani soo gaareen.

Dhinaca kale af-hayeenka hawlgallada ee Al-shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaas ay iyagu ka dambeeyeen, isagoo intaas raaciyey inay la beegsadeen koox cadaan ah oo calooshood-u-shaqeystayaal ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale war-qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa lagu sheegay inaysan jirin haba yaraatee wax dhibaato ah oo shaqaalahooda qaraxaas kasoo gaartey.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii ay magaalada Muqdisho ku shireen saraakiisha ugu sarreeya hay'adaha ammaanka ee Dowladda Federaalka, iyagoo ka wada hadlay sidii ammaanka Muqdisho loo adkeyn lahaa loogana hortegi lahaa falalka ammaanka wax u dhimi kara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM