​Faah faahin qodobada Murashaxiinta Madaxweynaha Somalia ka hadleen [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Murashaxiinta u taagan Madaxweynaha Somalia qaybtood ayaa maanta caasumadda Somalia shir ku yeeshay iyagoo ka hadlay arrimo ku aadan doorashada iyo qorshayaasha socda.

Shirkaas oo ay ka maqnaayeen mas'uuliyiinta Sharax ee Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid ayaa lagu lafo guray waxyaabo xasaasi xisbiga isbahaysiga isbadal doonku u arkeen in la iftiimo, waxayna soo jeediyeen qodobadan;

  1. In laga maarmaan ay tahay in la dhiso ciidamo isku dhaf ah iyo guddiyo si wadajir ah uga shaqeeya ammaanka
  2. In la dhiso Habraaca Doorashada, Maaliyadda, lana sameeyo qorshe cad oo Musuqmaasuqa looga hortagayo
  3. In la ilaaliyo Midnimada iyo Xornimada Somalia lagana fogaado wax kasta oo sii kala fogeyn kara Shacabka Somaliyeed
  4. Wax ka qabashada Xoojinta Laamaha Amniga ee waqtiga doorashada
  5. Waa in Xoojinta Arrimaha Caalamiga ah iyo Deris wanaaga ay noqdaan kuwa ku dhisan Hababka caalamiga ah, lagana fogaado talaabo kasta oo faragalin sameynaysa
  6. In waqtiga la qabtay ee doorashada Madaxweynaha, aan waxba talo ah laga weydiin Musharaxiinta Doorashooyinka ee qeybta ah arrimaha Doorashada
  7. In Saxaafadda Dawladdu maamusho iyo tan Madaxa banaan loo ogolaado arrimaha Doorashada tooska loo tabinayo iyo Dood wadaaagyada socda
  8. In codeynta laga fogaado qaabka kasta oo keeni kara wax isdaba marin, Musuqmaasuq iyo dhawrida xogta codeynta Mudanayaasha baarlamaanku bixinayaan.
  9. In la sugo dhamaan Amniga Goobaha doorashada iyo Musharaxiinta Madaxweyne-nimada Soomaaliya, iyadoo aysan kala sareynin jirin.

Arrimaha ayaa soo baxay xilli 08 Febreuary 2017 laga dhigay waqtiga doorashada Madaxweynaha Somalia iyadoo walaac laga muujinayo musuqmaasuq iyo ku tagri fal awoodeed oo looga cabsi qabo mas'uuliyiinta xafiiska jooga ee mar labaad u sharaxan Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta Mucaaradka u qaadacay Shirka Xasan Sheekh?

Go’aanka mucaaradka ayaa imanaya xilli uu sare u kacay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.

  • Soomaliya

    09-06-2025

  • 09:31AM

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM