Faah faahin weerarka Halgan, gobolka Hiiraan
BALAWEYNE- Faah faahin kala duwana ayaa kasoo baxaysa weerar kooxda Shabaab, saaka ku qaadeen saldhiga deegaanka Halgan ku lahaayeen ciidamo kasocda dowladda Ethiopia oo qayb ka ah howlgalka AMISOM.
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska howlgalka Midowga Africa, ayaa dagaalkaasi looga hadlay, waxayna gaashaanka ku dhufteen sheegashada kooxda Shabaabe ee ahayd inay dileen ku dhawaad 70 askari, waxayna xuseen inaysan wax khasaro ah soo gaarin, balse iska caabiyeen mallayshiyadii duullaanka ahayd.
Qoraalkan oo lagu daabacay barta Twitterka ee AMISOM, ayaa lagu muujiyay in khasaaraha dhinacooda soo gaaray ka badanyahay dhinaca kooxda Shabaab iyagoo xusay inay gacanta ku hayaan goobihii lagu dagaallamay.
Dhinaca kale guddoomiyaha deegaanka Halgan ee dowladda Soomaliya, ayaa sheegay in qarax kooxda Shabaab ku weerareen saldhig ciidamo ku leeyihiin deegaankaasi, xilli laga soo baxay salaadda Subax, wuxuuna tilmaamay in khasaaro xooggan la gaarsiiyay, maydkooduna dhoobanyihiin afaafka hore ee Saldhigga.
Burhan Cabdi Warsame guddoomiyaha deegaanka Halgan, ayaa tilmaamay inay jiraan dhimasho iyo dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah.
Weerarkan, ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay saraakiil katirsan dowladda Soomaliya iyo Ethiopia, waxaana Wasiirka Amniga Cabdirasaaq Cumar Maxamed, uu warbaahinta dowladda u sheegay in kooxdaasi laga dilay 240 dagaalyahan, halka AMISOM laga dilay ilaa 9 ruux.
Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa dhinaciisa warbaahinta u sheegay inay dileen 120 katirsan mallayshiyada shabaab.
Afhayeen u hadlay dowladda Ethiopia, ayaa isna sheegay inay dileen 170 dagaalyahan katirsan kooxda Shabaab, halka uu xusay inaysan wax khasaaro ah soo gaarin ciidamadooda marka laga reebo dhaawacyo fud fud.
Kooxda Shabaab, ayaa dhinaceed baraha internetka ku baahisay in weerarkaasi oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay ku dileen 66 askar, halka iyagan ay sheegeen in laga dilay 16 dagaalyahan.
Majirto cid si madax bannaab u xaqiijin karta wararkaasi is khilaafsan ee kasoo baxay weerar saaka ka dhacay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.
Arrintan ayaa la mid noqotay weerarkii Ceelcadde oo ilaa hadda aan la hayn tirada rasmiga ah ee laga dilay ciidamada Kenya kadib weerar kooxda Shabaab halkaasi ka fuliyeen.
GAROWEONLINE