Faahfaahin: Ciidamada dowlada oo dib ula wareegey Afgooye kadib khasaare badan

Image

AFGOYE, Somalia - Ugu yaraan 20 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhimatay, tiro intaasi ka badan way ku dhaawacmeen Weerar Culus oo Dagaalyahanada Al shabaab galabta ku qaadeen degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Al Shabaab oo Mudo saacado ah qabsaday degmada Afgooye, markii ay ciidamada dowladda Soomaaliya ay uga awood roonaadeen dagaal uu la socday Qarax ismiidaamin ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wada socda, oo ka yimid dhanka Muqdushu ayaa dib ula wareegay Saldhiga Booliska iyo xarunta maamulka Degmada Afgooye, iyadoo wararka ay sheegayaan in wali Al shabaab ku sugan yihiin xaafado katirsan degmada.

Mas'uul ka tirsan maamulka degmada Afgooye, oo la hadlay Garowe Online, ayaa sheegay in Dagaalka ay ku dhimatay dad badan oo ay kamid yihiin Col.Axmed Cabdulle Garod iyo Maxa'ed Daahir Qooley, oo ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed.

Al Shabaab ayaa sheegtay inay Weerar Afgooye ku dishay in ka badan 35 Askari, sidoo kalena Hub iyo Gaadiid dagaalka ka qabsadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Weerarkii maanta ee ka dhacay Afgooye, ayaa ahaa mid aad u culus, oo Khasaaro xoogan u geestay Askar iyo Shacab, waxaana uu dhacayaa xilli dalka ay ka socdaan Doorashooyinka Baarlamaaniga ah.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Khatarta Dagaalyahanno Shisheeye oo Tababar Qaatay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad ugu eedeeyay Xuutiyiinta inay hub u gudbiyeen Al-Shabaab iyo Daacish.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:47AM

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM