Faahfaahin Qaraxii ka dhacey goob ku dhow xarunta UNDP Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Afar Askari oo ka tirsan ciidanka ilaalada Hay'adda UNDP ayaa ku dhaawacmay qarax lagu xiray Gaari ay leeyihiin kaasoo maalintii shaley  ka dhacay goob la dhigo baabuurta ee ku dhaw Garoonka Diyaaradaha Muqdishu.

Askarta dhaawacantey waxaa ku jirey Taliyaha ciidanka Soomaalida ee ilaaliya Xarunta UNDP oo lagu magacaabo Cabdi Cali. War kasoo baxay UNSOM ayaa lagu sheegay in shaqaalaha UN-ka ay badqabaan. 

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari HILUX ah, oo u ka tirsan UNDP, kaasi oo ay leedahay Hay'adda dhanka amniga ka shaqeysa ee DUGUF taasoo QM ka kireysa gaadiid ay ciidamo gaar ah la socodaan. 

Ciidamada NISA ayaa la wareegay Garaashka uu qaraxa kak dhacay, waxaana ay qabteen lix ruux oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen Bam-ka lagu xiray Gaariga, sida ay saraakiishu sheegeen. 

Waa Qaraxii 3-aad oo Mudo Tobaadka ah ka dhaca Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdishu mudo ka yar hal Todobaad, xilli ay dowladda federaalka sheegtay inay sugayso caasumadda amnigeeda halkaasoo ka socdaan diyaar gorow loogu jiro doorashooyinka.

Dhinaca kale ururka Al shabaab ayaa shaaciyey qofkii gaystey qaraxii ka dhacey afaafka hore ee xerada Xalane 3 Jan, 2016 kaasoo ay ku dhinteen dad gaaraya 9 qof.

Idaacadaha ku hadla afka kooxdaan ayaa sheegey in qofka is-qarxiyey magaciisa la oran jirey Maxamad Abuukar Culusow oo kasoo jeeda gobolka Shabeelaha dhexe magaaladiisa Balcad.

Sawir lagu shacaiyey barta internet-ka ayaa tusayey baabuur kuwa xamuulka ah oo ay ka buuxaan fuustooyin kasoo ay qabatey Camerada CCTV ee hotel Peace.

Gaarigaan oo ah midka qaraxa lagu sameeyey ayaa gaystey mid kamid ah qaraxyadii ugu waaweynaa ee ka dhaco magaalada Muqdishu.

Ururka Al shabaab oo sheegtey mas'uuliyada qaraxaan ayaa xusey iney ku dileen werarkaan dad gaaraya 30 qof.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM