Faalada Fahad oo lagu tilmaamay "dhagahadal iyo ku digasho"

Image
Qormadda lataliyaha amniga qaranka ayaa lagu qeexay fariin "si dadban ugu tahniyadeyneysa Al-Shabaab".

MUQDISHO, Soomaaliya - Maqaalka baraha bulshadda hareeyay ee la sheegay in uu qoray Fahad Yaasiin Xaaji Daahir waa dhagahadal iyo ku dhigasho qaranka Soomaaliya, sidda uu sheegay Jeneraal Cabdalla Cabdalla.

Cabdalla, taliye ku xigeenkii hore ee hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga, ayaa xusay in qormaddaas ay si dadban u tahay tahniyad ku socota Al-Shabaab.

Sida laga soo xigtey Cabdalla oo darajooyinka uu ka xayuubiyey Farmaajo, madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey, faalladda waxay si aan toos ahayn ugu sheegaysaa Al-Shabaab in ay "burburtey" hay'adda sirdoonka qaranka.

"[Waa] faallo dhagahadal iyo ku digasho ah oo uu Fahad Abu Camar kula hadlayo AlShabab inuu shaqadii u soo qabtay soona afjaray sirdoonkii qaranka (wuxuu sheegay in hay’ad sirdoon oo tayo, aqoon iyo saraakiil diyaarsan leh uu u tagay 15, Aug, 2018; uuna ka tagay September 2021 ayadoo aan jirin, laba meel isku sheegin, saraakiisheedii lagu dhex dilay xafiisyada, sumcad beeshay)," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waa runtii inuu AlShabaab u qabtay shaqo aysan weligood qabsan kareen asagoo taageero ka helaya saaxiibkiisa Farmaajo. Waa nasiib darro in sidaas qarankii inta la burburiyo hadana loogu digto".

"Al-Shabaab wanaag ayuu u galay, wanaag ayuuna ka filayaa. Qaranka xumaan ayuu ku falay in cadaaladda la horkeeno ayuu ka filan karaa," ayuu Cabdalla Cabdalla kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Qoraalka la faafiyey ayaa kusoo beegmay iyadda oo Fahad uu isku diyaarinayo kamid noqoshadda Aqalka Hoose baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya si uu uga badbaado dacwad lagu soo oogo haddii Farmaajo uusan soo laaban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM