Faarax Cali Shire oo lagu soo dhaweeyay Maraykanka [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MINNEAPOLIS, USA- Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Puntland, Mudane Faarax Cali Shire, ayaa soo dhaweyn ballaaran loogu sameeyay waddanka Maraykanka xilli uu muddooyinkii dambe safar ku marayay qaar kamid ah dalal Yurub.

Socdaalka Faarax Cali Shire, ayaa salka ku haya xog waraysi uu la yeelanayo jaaliyadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaanada Puntland ee ku sugan Maraykan iyagoo iska waraysan doona xaalada dalka iyo waxa ka socda.

Qaar kamid ah jaaliyadda ku dhaqan magaalada Minneapolis, ayaa wasiirka u sameeyay soo dhaweyn iyagoo sheegay inay ku faraxsanyihiin imaanshihiisa.

Qaar kamid ah dadka soo dhaweeyay oo warbaahinta la hadlay, ayaa Faarax Cali Shire u saadaaliyay Madaxweynaha Mustaqbalka ee Puntland, waxayna tilmaameen inay la yeelan doonaan kulamo ballaaran oo looga hadlay arrimaha dalka.

Hadalka kooban oo mudane Faarax Cali Shire jeediyay, wuxuu ku sheegay inuu la kulmi doono qaybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaaliyeed islamarkaana ay iska waraysan doonaan arrimo kala duwan.

Faarax, ayaa intaas ku daray in socdaalkan uu qayb ka yahay booqashooyin kala duwan oo ugu tagayay jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool dunida.

Dhinaca kale, Wasiirkii hore maaliyadda Puntland, ayaa la kulmay Maayarka magaalada Minneapolis, Fray Jackob, waxayna ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ku saabsan xaaladda Jaaliyadda Soomaalida ee gobolkaas.

10 bisha March ayaa la filayaa in xaflad ballaaran wasiirka loogu sameeyo magaalada kaasoo ay kasoo qayb gali doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Minneapolis.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli Faarax Cali Shire loo saadaalinayo inuu kamid yahay musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland inkastoo uusan wali ku dhawaaqin. 

 GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM