Fadhigii Baarlamaanka Federaalka oo maanta dib u furmi doona

Image

Novmeber 15, 2014 (GO)- Iyadoo weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay khilaafka u dhexeeya mas'uuliyiinta ugu sareeya Dowladda Federaalka iyo weliba mooshinka laga keenay Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa maanta la filayaa in fadhigii baarlamaanku mar kale dib u furmo.

Fadhiga ayaa qaab fawdo ah kusoo dhamaaday Talaadadii lasoo dhaafay [November 11, 2014] markaasoo xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinku diideen in baarlamaanka loosoo gudbiyo mooshinkaas oo sida ay ku doodayaan ah mid aan sharci ku salaysneyn.

Sida la filayo kulanka maanta ayaa noqon doono mid ka xamaasad badan kii hore, waxaana cabsi weyn laga qabaa in xildhibaanada qaarkood gacmaha isula tagaan maadaama marba marka ka dambeysa labada garab ee baarlamaanku sii kala fogaanayaan.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa  si dadban fariin ugu diray Ra'iisul Wasaaraha iyo xildhibaanada taageersan, wuxuuna sheegay in isaga iyo xulafadiisu ka laaban doonin go'aankii hore islamarkaana ku niyad jabi doonin buuqii ka dhacay baarlamaanka.

Hadalka Xasan Sheekh oo sida muuqata guubaabo u ah xildhibaanada mooshinka soo gudbiyey wuxuu horseedi karaa in xaaladu sii xumaato. Ciidamo boolis ah oo tiro badan ayaa maanta ku sugan xarunta baarlamaanka si hadii xaaladu faraha ka baxdo u xakameeyaan.

Beesha caalamka ayaa horay walaac uga muujisay mooshinka xiligan laga keenay xukuumada, maadaama sida la saadaaliyey talaabadaasi horseedi doonto in khilaafka siyaasadeed ee jiraa sii xoogeysto islamarkaana dib u dhacaan qorsheyaal badan oo la fulin lahaa inta ka horeysa sanadka 2016. 

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan kulanka Baarlamaanka Federaalka ee maanta dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM