Diyaarad "uu saarnaa Fahad Yaasiin oo laga celiyey Jabuuti"

Image
Agaasimihii xilka laga qaadey ee hay'ada sirdoonka ayaa qorsheynayey in uu kusoo laabto Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar aad loogu kalsoonaan karo ayaa warsidaha Garowe Online u sheegey in Fahad Yaasiin Daahir uu qorsheynayo in uu kusoo laabto magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Macluumaadyadda laga helayo illo wareedyo aad ugu dhow lataliyaha amniga qaranka ayaa xusaya in kooxdiisa amniga ay saaka tageen garoonka diyaardaha Aadan Cadde.

Balse, war kal dambe soo baxaya ayaa xusaya in gabi ahaanba la baajiyey dulaamadkii Turkish Airlines oo ku wajahanaa magaalada Muqdisho sababo aan la sheegin. Ma jirto cid fahfaahin ka bixisay.

Wararka Garowe Online soo gaaraya ayaa tibaaxayan in diyaaradaan laga celiyey wadanka Jabuuti. Diyaardaan ayaa la rumeysan yahay inuu saarnaa Agaasimhii xilka laga qaadey Fahad Yaasiin.

Tafaasiisha ayaa intaas ku dareysa in sidoo kale dib loo celiyey dadkii sugayey iney ka raacaan diyaardaas kuwaas ku sugnaa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Garowe Online ayaa ogaadey in Fahad uu Muqdisho ka baxay kahor inta aan lagu dhawaaqin in Al-Shabaab ay dishay madaxii internet-ka hay'ada sirdoonka, Ikraan Tahliil Faarax.

Shaacintaas ayaa sababtay xiisad siyaasadeed. Qoyska Ikraan waxay dood geliyeen sheegashadaas. Al-Shabaab waxay ganafka ku dhufatay eedeynta hay'adda mukhaabaraadka qaranka.

Hogaanka dalka ayaa ku kala qeybsamay maareynta xiisada ka dhalatay shaacintaas. Madaxda maamulada oo dhex-dhexaadnimo muujiyey waxay ku balameen shir guud kana dhacaya magaala madaxda Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM