Fahfaahin: Khasaaraha Qarax ka dhacay Muqdishu oo korartay

Image

MUQDISHU, Somalia - Ugu yaraan Lix ruux ayaa ku geeriyootay, ku dhawaad 10 kalena way ku dhaawacmeen qarax loo adeegsaday gaari nooca HARRIER-ka, oo saaka barqonimadii ka dhacay bartamaha magaalada Muqdishu.

Wasaarada Amniga Xukuumadda Somalia ayaa sheegtay in qaraxa uu ka dhashay Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasi oo ku qarxiyay wadadka Makka Al-Mukarama, xilli ay ciidamada amniga ku joojiyeen Bar Koonatrool, oo ku dhaw saldhigga Booliska degmada Waaberi.

Gaariga ayaa mar kaliya qarxay markii la joojiyay, waxaana uu galaaftay nolosha shan ruux oo shacab ah, oo qaarkood fadhiyay goob Makhaayada ah oo wadada qarkeeda ku taalla, iyo dad kale oo la socdey Garawaari BL ah, daba socday baabuurka qarxay.

Xilliga qaraxa Wadadka Makka Al Mukarama waxaa ka jiray Mashquul aad u badan, oo ciidamada ku baarayeen Gaadiidka, waxaana taasi ay keentay inu bato khasaaraha shacabka. Goobta qaraxa waxay u dhaxaysa Hotel Makka Al-Mukarama iyo Saldhiga Waaber.

Waa qaraxii labaad, oo tan iyo shalay ka dhacaya magaalada, waxaana taasina loo sababeeyay habacsanaan ka jirta Ha'addaha amniga dowladda Federaalka, oo hoos u dhacay Howlgalkii Xasilinta Caasumadda, oo dardar ku billowday bishii Ramadan-ka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM