Fahfaahin kasoo baxaysa Qarax ka dhacay Muqdishu [Dhageyso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Fahfaahin iyo warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo saaka ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasumadda Somalia.

Goobjooge magaciisa ka gaabsaday ayaa GO u sheegay in qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay, taasi oo haleeshay gaari nooca raaxada ah, oo marayay inta u dhaxaysa Isgoysyada Soos iyo Ex-control Balcad.

Labo qof, oo mid uu yahay Askari katirsan Ciidamada Nabad Sugida dowladda Federaalka Somalia, ayaa ku dhaawacmay qaraxa miino, waxaana kala kala dhigay Isbitaallo ku yaalla magaalada Muqdishu.

"Aniga waxaa kamid ahaa dadkii u gurmaday dhaawacyada. Labada qof mid waa shacab waxaan geynay Isbitaalka Duurul Shifa, halka midka kale oo ah Askari katirsan NISA loo qaadey xarun caafimaad oo ku taalla Xarunta Nabad Sugida ee Habar-khadiija," ayuu yiri Goobjoogaha.

Wuxuu intaasi ku daray in Ciidamada dowladda ayaa xireen goobta uu qaraxa ka dhacay, islamarkaana ay sameeyeen howlgal, aan wali la ogeyn cida lagu soo qabtey. Ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyada weerarka.

Saraakiisha hay'adaha amaanka dowladda wali kama aysan hadlin qaraxa maanta.

Al shabaab ayaa adeegsadata qaraxayada dhulka lagu aasi, oo ay ku weerarto gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, xilliga ay marayeen wadooyinka ka baxa magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM