​Fahfaahin ku saabsan Qaraxii ka dhacay Beledweyne [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BELEDWEYNE, Somalia - Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay, 15 kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ahaa, oo saaka ka dhacay afaafka hore ee xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Goob-jooge ayaa sheegay in Qaraxa uu fuliyay ruux isku soo xiray walxaha qarxa, kaasi oo isku qarxiyay Makhaayad mashquul badan, oo ku taalla kasoo horjeedka Xafiiska Gudoomiyaha gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow oo warbaahinta la hadlay ayaa cambaareeyay Qaraxa, oo uu sheegay in lagu laayay dad shacab ah oo iska fadhiyay Makhaayadda.

Maxamed Cali, oo ah Kalkaaliye caafimaad oo katirsan Isbitaalka Guud ee Beledweyne, ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online, in lasoo gaarsiiyay dhaawacyada 15 qof, oo 3 kamid ah ay Wariyaal yihiin.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda weerarka Beledweyne.

Afhayeenka dhanka howlgallada Al shabaab, Cabdicasiis Abu Muscab ayaa tilmaamay in qaraxa ay ku dileen lix kamid ah Shaqaalaha maamulka gobolka Hiiraan, oo ku jiray Makhaayada ay qarxiyeen.

Jimcihii lasoo dhaafay, Qarax noocan ah ayaa ka dhacay Makhaayad ku taalla Baydhabo, waxaana ku dhintay 4 qof, oo ay kamid ahaayeen labo shaqaale samafal, oo la shaqeynayay Hay'ado gargaar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM