Shirka Baydhabo iyo Qodobo la isku mari la'yahay [XOG]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Waxaa maalintii labaad galay Shirka Baydhabo, kaasoo hogaamiyaasha ay ka doodayaan qodobo muhiim ah oo khuseeya masiirka dalkan mudada dheer colaada kusoo jiray.

Kulankan oo shalay uu daah-furey Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka qeybgalaya Ra'iisul Wasaare Khayre, Wasiirka Arrimaha Gudaha, oo dhanka dowladda ka socda, madaxda dowlad goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Wajigii kowaad ee shirka Gollaha Amniga Qaranka ayaa waxuu kusoo idlaaday shalay jawi is-fahan la'aan ah, kadib markii qodobada qaar oo ugu horeeyo amniga ay hogaamiyaasha isku afgaran waayeen.

Inkastoo ajandiyaasha ay kamid yihiin qeybsiga Khayraadka, Federaleynta dalka iyo isku-dhafka Ciidamada iyo tayeyntooda, haddan waxay doodu ka taagan tahay amniga, oo hogaamiyaasha maamullada ku eedeynayaan dowladda Federaalka inaysan fulin dodobadii horey loogu wada heshiiyay.

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka ee ku sugan Shirka ayaa doonaya in la gaaro heshiis mideysan oo dhanka qorshaha amniga qaranka la xiriiro, kahor inta uusan furmin shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayo oo 24-ka bishan ka furmaya magaalada Brussels ee caasimadda Belgium-ka.

Shirka Brussels ayaa waxaa dowladda Federaalka laga sugayaa inay horgeyso deeqixiyaasha iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya qorsho la isku raacsan yahay oo wax looga qabanayo amniga Soomaaliya, si ay u hesho dhaqaale loo balan-qaadey.

Lama oga in lagu heshiin doono arinta amniga iyo inkale, balse waxaa laga war sugayaa War-murtiyeedka Shirka oo maanta lagu wado in lasoo afjaro.

Marka laga soo tago amniga, waxaa sidoo kale miiska u saaran hogaamiyaasha arrimo kaloo xasaasi ah, oo ay kamid yihiin qeybsiga Khayraadka dalka, khilaafka Khaliijka, Federaaleynta dalka iyo arrimaha isku-dhafka Ciidamada. 

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo ka hadlay Kulanka Baydhabo, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ula dhaqanto dowlad goboleedyada sida xisbiyo siyaasadeed oo iyada loolan kula jira.

Jubbaland iyo Puntland ayaa horey ugu eedeeyay Xukuumadda Soomaaliya inay fulin waysay go'aankeedii dhex-dhexaadnimada ee arrimaha Khaliijka, islamarkaana ay xulufo la noqotay Qadar.

HOOS KA DAAWO:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM

Natiijo horey loo saadaalinayay oo kasoo baxday doorashadii Galmudug

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ayaa horey u muujiyay walaac ku saabsan hannaanka doorashada.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 07:25PM