Fannaanada Khadiijo Daleys oo geeriyootay

Image

CANADA - Waxaa saaka oo Isniin ah dalka Canada ku geeriyootay Allah ha u naxariistee Fanaanada Caanka ah Khadiijo Cabdulaahi Daleys.

Daleys oo kasoo mid noqotay hobollada Waaberi burburkii dalka kahor ayaa ku dhimatay Isbitaal ku yaalla Canada, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Eheladeeda.

Lama oga xanuunka ay u geeriyootay, balse Fanaanada oo ahayd qof da' ah ayaa waxaa la dhigay dhawaan Isbitaalka, halkaasi oo dhaqaatiirta kula tacaalayeen xaaladeeda caafimaad.

Khadiijo Cabdullaahi Daleys waxay ahayd Gabadhii labaad ee Soomaali ah oo heesta, waxaana ay fanka ku soo biirtay mudo laga jooga 65 sanno.

Waxaa lagu xasuustaa sidoo kale inay ahayd Gabadhii ugu horreysey ee ka heesta Radio Muqdisho 1952dii.

Daleys waxay ku dhalatay magalada Baydhabo sanadkii 1936-dii, waxaana ay qaadey Heeso badan oo caan baxay. Waxay kamid ahayd Fanaaniintii dalka ka cararay markii uu qarxay dagaalkii Sokeeye 1991.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM

"11 saacadood ayaa la i weydiinayay su'aalo" – Cumar Cartan

Wuxuu intaas ku daray inuu tusay saraakiisha waraaqihii rasmiga ahaa ee horyaalka FIFA iyo sawirrada taariikhda garsoorenimo ee uu leeyahay.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:37PM