Farmaajo: Askari xun ma jiro laakiin waxaa jira Sarkaal xun

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay daldaloolyada ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, isagoo hogaanka ugu baaqay inuu bedelo qaabka hadda ay ku hogaaminayaan ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uusan jirin Askari xun, balse uu jiro Sarkaal xun oo jiho wanaagsan ku hagin ciidamada, taasina ay keento fashilka howlgallada dalka looga saarayo Al Shabaab oo mudo dheer socda.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in sare loo qaado Aqlaaqda Ciidamada, isagoo saraakiisha sare kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka saaran, islamarkaana ay wax ka bedelaan sida ay u fekerayaan.

Madaaxweynaha oo la hadlay ciidamadii ugu horeysay uu Turkiga tababarey ayaa Askarta ku booriyay inaysan ka tagin daacadnimada, sidoo kalena ay ogaadaan inuu waajid ka saaran yahay difaacida dalka iyo dadka.

Saldhigga cusub ee Turkiga dhawaan ka dhisay Muqdisho waxaa shalay ka qalin jebisay dufcadii ugu horeysay oo ciidamada xoogga kusoo biiray kuwaasi oo lagu qalabeeyay hub casri ah iyo gaadiid dagaal. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Kulankii Villa Somalia oo fashilmay iyo xiisadda siyaasadeed oo sii kordhaysa

Dhanka kale, Puntland iyo Jubaland ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    10-08-2025

  • 03:21PM

Fiqi: Dowlado Shisheeye ayaa ku caawinaya Al-Shabaab inay la wareegto Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan toban sano dagaal hubeysan kula jirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-08-2025

  • 12:45PM