Farmaajo: Ciidamadda waa in ay ka fogaadan aafadan ina ragaadisay

Image
Madaxweynaha waqtigu ka dhacay ayaa lagu eedeeyay in uu xuska 12-ka April jeediyey khudbad marin-habaabin ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo ayaa casho Sharaf ku saabsan dabbaal-degga 12-ka Abriil ee Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa uu ku maamuusay Taliska iyo Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa Taliyeyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku bogaadiyey xuskii maanta loogu dabbaaldegayey Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Geesiyaasheenna Xoogga Dalka sida nafhurnimada leh ee ay habeen iyo maalinba ugu taagan difaaca dalka, nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed ayuu sidoo kale ammaanay.

"Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaad tihiin tiir dhexaadka difaaca dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed. Waxaad tihiin lafdhabarta madaxbannaanida iyo haybadda dowladnimadeenna. Shacabka Soomaaliyeed idinka ayuu idinku hurdaa," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxaan idinku boorrinayaa inaad marwalba ku taagnaataan mabdi’iinna waddaniyadda iyo qarannimada ah, idinka oo fogaanaya afoodii hore inoo soo ragaadisay ee Qabyaaladda".

Munaasabadda waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka FS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed iyo Ra'iisul Wasaarihii Hore ee Dalka, Cali Maxamed Geeddi.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda, Xildhibaanno ka socday Goleyaasha Barlamaanka, Taliyeyaasha Ciidanka, Xoogga Dalka S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage, Booliska S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed, Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka G/Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, Saraakhiisha Sarsare ee Ciidanka Xoogga iyo Marti Sharaf Kale ayaa sidoo kale goobjoog ahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM