Farmaajo iyo Al Thaani oo "isla qaatay" dhameystirka mashaariicyo

Image
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa fahfaahisay "wada-hadallo wax ku-ool ah" oo dhexmaray labada dhinac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayaa "wada-hadallo wax ku-ool ah" amiirka Qadar, Sheekh Tamiim Binu Xamad Al Thaani, kula yeeshay magaala madaxda Dooxa.

Farmaajo iyo Al Thaani ayaa "isla gartay dhameystirka mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka waddo Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee dalkeenna, isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha, horumarinta Waxbarashada Hoose/Dhexe ee Soomaaliya iyo dib-u-dhiska ciidamada qalabka Sida".

Sidoo kale, Farmaajo iyo Amiir Tamiim ayaa kulankooda ku lafa-guray arrimo dhowr ah oo ku saabsan aayaha iyo miro-dhalka xiriirka Labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Gobolka si loo sii xoojiyo iskaashiga mugga weyn ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

"Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad oo Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ajiibidda marti-qaadkii ay u fidiyeen ayaa soo dhaweeyey in dowladdiisu ay door weyn ka qaadato gurmadka abaaraha ka jira dalkeenna, iyada oo mudnaan siin doonto gurmadka degdegga ah iyo xalka waara oo ay ka mid yihiin maalgelinta Beeraha, Xoolaha iyo Kalluunka oo fursado shaqo u abuuraya dhallinyarada Soomaaliyeed, xalna u noqonaya abaaraha soo laalaabtay ee dalkeenna," ayay tiri Madaxtooyada Soomaaliya.

Dhankiisa, Farmaajo oo wafdigiisa ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Khaliif Cabdi Cumar iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, Maxamed Cabdullahi Ciise iyo Danjireheenna inoo fadhiya dalka Qadar, Cabdirisaaq Faarax Cali ayaa uga mahad-celiyey Amiirka iyo Golahiisa soo dhaweynta wanaagsan, doorkooda dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed iyo fulinta mashaariicda dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha oo si dardar leh uga socda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM