Farmaajo iyo Erdogan oo wadahadalo furan yeeshay

Image
Image
Image
Labada madaxweyne ayaa si wadajir ah isu la xoojiyey muhiimadda ay labada Dal u leedahay horumarinta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo oo uu kaga qayb galayo Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ku joogo magaalada Istanbuul, ayaa la kulmay dhiggiisa Mudane Recep Dayyip Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga qodotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxaa kulanka diirradda lagu saaray dardar gelinta qorsheyaashii hore ee iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta, iyo bilaabidda kuwo hor leh oo qayb ka ah qorshaha cusub ee iskaashiga ee dalalka Afrika iyo Turkiga.

Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Turkiga guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasilinta dalka, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

"Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah isu la xoojiyey muhiimadda ay labada Dal u leedahay horumarinta iskaashigooda ku dhisan ka wada shaqaynta danaha Labada Qaran iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika iyo Turkiga, waxaana Madaxweynaha Turkiga Mudane Reccep Dayyip Erdogan uu bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsadeen isaga oo ku dhiirri galiyey ganacsatadda Soomaaliyeed in ay wax soo saarka Dalkooda u suuq geeyaan Dalka Turkiga," ayay tiri Madaxtooyadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha iyo Shacabka Jamhuuriyadda Turkiga garab istaagga walaalnimo ee ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in dowladda Turkigu ay Soomaaliya u tahay saaxiib dhow oo Istaraatiiji ah, iyada oo labada Madaxweyne ay Salaaddii Jimcaha wada oogeen kuna ducaysteen.

Kulankan waxaa madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdi Siciid Muuse Cali, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Qaranka, Maxamed Cabdullaahi Ciise, Danjiraheenna noo fadhiya Dalka Turkiga, Jaamac Cabdullaahi Caydiid iyo Agaasime Cabdisalaan Saleebaan Koodaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM