Farmaajo iyo Fahad waa "in aysan midida isku sii fogeyn"

Image
Madaxweynaha xilheyntiisu idlaatay iyo madaxii hay'adda NISA ayaa la xasuusiyey in ay sharciga u hogaan-samaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo iyo Fahad waa in aysan "midida isku sii fogeyn kana war-sugaan baaritaanka xeer-ilaalinta qaranka," sida uu kula taliyey Generaal Cabdalla Cabdalla, taliye ku xigeenkii hore ee hay'ada NISA.

Dhawaqa Cabdalla Cabdalla oo agaasimihii hay'ada sirdoonka qaranka Fahad uga xayuubiyey kana eryay hay'adda, ayaa yimid xilli khilaaf xooggan uu ka dhashay shaqo joojin uu ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ku sameeyay Fahad.

Jeneraalka oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa si weyn u difaacay shaqo-joojinta uu ku dhaqaaqay wasiirka koowaad ee waddanka isaga oo Farmaajo iyo Fahad xusuusiyey u hogaan-samida sharciga.

"Shaqo ka joojin waa hab anshax marin ah si Ku meelgaar laguna fuliyo Masuul shaqadii uu hayay Ku dhexsameeyay fal keeni kara anshax Marin ama baaris faldanbiyeed laga shakiyay inuu dhacay ,waxaana xaq u leh madaxda sare ee haysa shaqo Maamul ah Sida Taliye ciidan ayaa samayn kara, DG wasaarad,Wasiir , RWasaare, laakiin madaxweyne JFS xataa marka uu san waqtiga ka dhamaan malaha Awoodas maxaa yeelay malaha awood fulin ama maamul, xataa RW uu magacaabay shaqo kama joojin karo qof kalena warkiisa daa, waa xubin sharafeed qaran u dhex ah Hay’adaha dastuuriga ah ee Dalka inta uu haysto 4sano ee la doortay!," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Macnaha inuu yahay taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida waa sharafeed ee maaha taliyanimo xaqiiqi ah!! Madaxweynaha maaha taliye ciidan, awoodaha mweynaha waqtigiisa 4sano ah haysta waxaa caddaynaya Dastuurka KMG ah".

"Farmaajo iska dhaaf inuu shaqo Fahad Ku celiyee asagaanba sharci u haysan inuu warqad iyo qalin is dulsaaro. Hadii aan sharci jirin qof walba hebelkiisa ayuu Iska ahaanaa, waxaa wax lagu kala yahay waa sharciga. Waxaan kula talinayaa Farmaajo iyo Fahad inaysan midida isku sii fogayn oo ay sharciga u hoggaansamaan baarista xeer ilaalintana ka war sugaan," ayuu kusoo xiray.

Ikraan Tahliil Faarax oo la waayey laba bilood kahor ayaa ahayd xubin firfircoon oo ka tirsan mukhaabaraadka Soomaaliya waxaa la isla dhex-marayaa in ay galaafatay macluumaad badan xasaasi oo ay goobjoog u ahayd sanadihii dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM