Farmaajo iyo Fahad oo lagu eedeeyay in ay "beegsanayaan" beelo gaar ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha hay'adda sirdoonka, Fahad Yaasiin Dahir, waxay tijaabinayaan awooda shacabka iyagoo dulqaadka u qaatay doqonimo, sidda uu daaha ka rogay murashax madaxweyne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa ku eedeeyay Farmaajo iyo Fahad in ay beegsanayaan degaano iyo bulsho gaar ah.

"Dadka xikmadda ka maran, marka ay masuuliyad iyo xil qabtaan, waxey isku dayaan in ay tijaabiyaan xadka awoodda iyo dulqaadka inta kale," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Waxey is bidaan itaal ay tooda ku meel-mariyaan, waxey illoobaan halka ay awoodda ka heystaan".

"Madaxweyne Farmaajo iyo taliyihiisa nabadsugidda waxey doonayaan in ay keli talis ku noqdaan awood ciidan ajnabi ah, waxey sanka farta ka gelinayaan deegaanno iyo beelo gaar ah, waxey si dhiirrani leh u tijaabinayaan awoodda shacabka, wax garadka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug, Hir-Shabelle iyo Banaadir," ayuu sii raaciyey.

Siyaasiga ayaa kusoo xiray hadalkiisa: "Dulqaadku ayey doqonnimo u qaateen, xishoodkiina karti darri, tanaasulkiina gunnimo. Waxaa la joogaa xilligii dadnimada, sharafta iyo karaamada la difaacan lahaa".

Fahad ayaa ah mas'uulka ugu tunka weyn xafiiska madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo, waxaana uu faragelin qaawan ku sameeyay doorashooyinkii Koonfur Galbeed, Galmudug iyo tan hadda socota ee HirShabelle.

Si lamid ah, hogaanka waddanka ayaa gacma-gacmeeyay soo xulista wakiilada maamuladan ee guddiyadda doorashooyinka, iyagoo kusoo diray saraakiil sirdoon iyo howlwadeeno ka tirsanaa Aqalka looga arimiyo waddanka.

Xisbiyadda mucaaradka oo ka qaylo-dhaamiyey arrintaan ayaa si xoogan waxay uga digeen cawaaqibka ka dhalan kara oo ah in lagu murmo natiijooyinka doorashada maadaama shaqsiyaadkaas "aan lagu kalsoonaan karin".

Villa Soomaaliya ayaa ka shaqeyneysa meelmarinta qorshaha uu Farmaajo ku doonayo in uu ku difaacdo kursigiisa taasoo ay kamid tahay in uu guddiyadda doorashada ku darsado xubno taabacsan "si ay codadka ugu boobaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM