Farmaajo iyo Fahad oo "qorsheynaya dilka" saraakiil kale

Image
Sheegashadan ayaa imaanaysa xilli wali uu taagan yahay kiiska jahwareerka sababay ee Ikraan Tahliil Faarax.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Farmaajo iyo lataliyihiisa amnig qaranka Fahad Yaasiin Daahir ayaa qorsheynaya dilka afar sarkaal kale oo ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka, sida uu shaaca ka dhigay Jeneraal horey uga tirsanaa hay’adda mukhaabaraadka Soomaaliya.

Cabdalla Cabdalla oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ku tartarsiiyey saraakiishaas "inay feejignaadaan ehelkooda la socdaan haduu dhib gaaro inay ka danbeeyaan kooxdaas".

"Waxaa kale oo jira qorshe la doonayo in qaraxyo lagu galiyo xarunta Gobolka banaadir oo labada AlShabaab Iska kaashanayaan maalmaha soo socda, arintaasna in laga feejignaado waa muhiim," ayuu raaciyey.

Sida laga soo xigtey Cabdalla Cabdalla oo xiganaya xog sirdoon, maleyshiyada Al-Shabaab ayaa bilowdey qorsheynta weeraradaas "qorshuhu yahay in ay dhacaan laba bilaabo Jimcaha sidaas darteed police waa inay arintaas feejignaan dheeri u yeeshaan, sugaana amniga shacabka Soomaaliyeed".

"FG: Digniinahaas waxaan usoo gudbinayaa anoo rajo ka qaba in ilaahay ku badbaadiyo naf qof muslim ah," ayuu hoosta ka xariiqay.

Janannka ayaa kusoo xiray hadalkiisa: "Walaalayaal dalkeena wuxuu ku jiraa marxalad amni oo adag oo cadowga uu meel walba ku milmay. Feejignaan iyo taxadar ayaa muhiim .allah naga badbaadiyo shartooda".

Sheegashadan ayaa imaanaysa xilli wali uu taagan yahay kiiska jahwareerka sababay ee Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd haweenay ka tirsan hay'adda sirdoonka qaranka.

Warsidaha Garowe Online ayaan si madax-banaan u xaqiijin karin sheegashooyinka Jeneraalka oo aan ahayn kuwii ugu horeeyay ee noocooda ah oo kasoo yeera balse uu horey erayo noocaan ah uga dhawaajiyey.

Soomaaliya ayaa haatan dhexda kaga jirta mar-xalad doorasho iyadda oo amniga uu yahay walaaca ugu weyn maleyshiyada Al-Shabaabna loo arko in ay tahay halista ugu ballaaran ee amni daradaas ay ka imaan karto. Kooxda hubeysan waxay xudun u tahay colaadda waddanka ku jirto sanado badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM