Farmaajo iyo Swan oo ka shiray xiisada ka dhalatay kiiska Ikraan

Image
Wadaxaajoodyadda ayaa ka qabsoomay Madaxtooyadda Qarana ee magaalada Muqdisho. [File Photo]

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa wuxuu maanta tagay Madaxtooyada Qaranka ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen warar xog ogaal ah.

Sida ay muujinayaan warbixinadda, Swan ayaa wadahadalo la yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo kaasoo wajahaya cadaadis kaga imaanaya gudaha.

Farmaajo iyo Swan ayaa, sida ay muujinayaan macluumaadyada horudhaca ah, waxay kawada hadleen arrimo ay kamid tahay kiiska Ikraan Tahliil Fararax iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay.

Xogaha la helayo ayaa intaas ku daraya in labada mas'uul ay isla soo qaadeen masiirka Fahad Yaasiin Daahir, agaasimihii haya'da sirdoonka qaranka, oo shaqo joojin loogu sameeyay Ikraan awadeed.

Ikraan oo ahayd haweenay ka tirsan hay'adda sirdoonka qaranka ayaa la waayey in ka badan laba bilood kahor. NISA waxay sheegtay in Al-Shabaab ay dishay. Balse, qoyskeedu way diideen arrintaas.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda iska fogeysay sheegashadaas. Mucaaradka wuxuu si toos ah farta ugu fiiqay hogaanka NISA. War-saxaafadeedyo ayay ku sheegeen in ay doonayaan maxkamadeyntooda.

Xiisada ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay khilaaf u dhaxeeya Farmaajo iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble. Qoraalo kala duwan oo ay soo saareen ayay ku muujiyeen in ay isku khilaafsan yihiin.

Beesha Caalamka ayaa qoraal maalin ka hor soo saareen waxay ku baaqeen in khilaafka la xaliyo, si doorashooyinka u socdaan, iyagoo dalbaday in Kiiska Ikraan uu helo baaritaan daah furan.

Booqashadda Swan ee Villa Soomaaliya ayaa timid xilli Rooble uu shalay Zoom-ka kula shiray wakiiladda Beesha Caalamka una xaqiijiyey in ay ka go'an tahay in uu cadaalad u baadigoobo Ikraan iyo qoyskeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM