Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo ku kulmay Villa Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha la doortay ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxa'uud xarunta Villa Somalia.

Kulankaas oo ahaa qado ay joogeen mas'uuliyiinta kale, ayaa waxay uga hadleen qaabka ay u dhacayso Xil-wareejinta iyo waqtiga la qabayo Munaasabada uu Xilka kula wareegayo Mudane Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Madaxweynaha cusub soo tusay xafiiska uu ka arrimin doono isagoo la qaatay kulan gooni ah.

Mudane Farmaajo ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta uu ugu sameeyay Villa Somalia, wuxuuna sidoo kale ku ammaanay waxqabadka dowladdii uu hogaaminayay Afartii sano ee lasoo dhaafay.

Xafladda Xil-wareejinta ayaa lagu wadaa inay dhacdo kahor inta aysan dhammaan Bishan February, iyadoo kulankaas diiradda lagu saaray siyaabaha loo marayo xil-wareejinta.

Waa Kulankii ugu horeeyay ee uu Madaxweyne Farmaajo la yeesho Xasan Sheekh Maxa'uud, tan iyo markii Arbacadii lasooo dhaafay loo doortay Xilka Madaxweynaha, oo uu cod aqlabiyad leh kusoo baxay.

Mudane Farmaajo ayaa maalmahan waday Kulamo xiriir ah, oo uu la samaynayay Diblomaasiyiin, Murashaxiintii kula tartantay Doorashada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Guud ahaan Somalia, waxaa aad isha loohu hayaa Tallaabooyinka uu qaadi doono Farmaajo 100-ka maalmood ee ugu horeysay shaqadiisa taasoo ay qayb ka tahay soo magacaabista Ra'isal wasaaraha dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM