Farmaajo oo Addis Ababa kula kulmay Antonio Gutters

Image
Image

ADDIS ABABA - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

Kulanka Farmaajo iyo Guterres ayaa dhacay maanta xilli labada mas'uul ay kawada qeybgalayaan Shir Madaxeedka 30aad ee Midowga Africa ee ka furmay magaalada Addis Ababa, ee xarunta dalka Ethiopia.

Guterres ayaa u xaqiijiyay Madaxweynaha Farmaajo in QM ay Soomaaliya ka taageerayso dhinaca amaanka, isagoo dhanka kale amaaney dedaallada ay wado dowladda iyo horumarada ay sameynayso.

Xoghayaha Guud ee QM ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in la gaaro hiigsiga Soomaaliya iyo geedi socodka doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dalka marka la gaaro sanadka 2020.

Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay kuna amaanay Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya iyo doorka ay ka ciyaarayso soo celinta Nabada.

Farmaajo ayaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo madax kale oo ka qeybgalaya Shirka Addis Ababa, halkaasi oo uu ka socoda shir madaxeedka hoggaamiyaasha Midowga Afrika oo maanta furmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM