Farmaajo oo daahfuray guddi la duray sharciyadiisa

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad lagu daah-furayey "Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo ka mid noqoshada Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa" ayaa tilmaamay in Guddigani "uu gundhig u yahay hufnaanta maamulka iyo maaliyadda ee gudaha Soomaaliya".

"Guddigani waa mid dastuuri ah, waxaan sharciga lagu dhisay saxiixay 21 Sabteembar 2019, maantana waxa aynu u taagannahay munaasabaddan aynu ku daah-furayno. waxa ay tallaabadani dhiirrigelinaysaa fursadaha maalgashiyada caalammiga ah ee dalkeenna, kobaca dhaqaalaha, hufnaanta maaliyadda iyo kalsoonida shacabku ay ku qabaan dowladnimada," ayuu yiri.

Farmaajo oo dul istaagay dadaallada miro-dhalay ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya gelisay la dagaallanka musuq-maasuqa iyo ku tagri-falka hantida dadweynaha, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in ay Soomaaliya ka mid noqoto Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa, sida: Sharciga Heshiiska Midowga Afrika ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa, Sharciga Heshiiska Jaamacadda Carabta ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo Sharciga Heshiiska Qarammada Midoobey ee  La Dagaallanka Musuq-maasuqa.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleysa qorsheyaasha Qaran ee ku salaysan dhowridda xuquuqda muwaaddiniinta iyo ilaalinta hantida Qaranku waxa ay ku guuleysatay in aynu si rasmi ah uga mid noqonno maanta Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa."

Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa ayuu kula in ay waajibaadkooda u gutaan si ay ku dheehan tahay waddaniyad iyo hufnaan, ayaa sidoo kale xeeriyey in 14-ka Ogoosto loo aqoonsado Maalinta Qaran ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidammada Booliiska iyo Asluubta Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Guddiga Madax Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa ayaa sidoo kale kasoo muuqdey Munaasabaddan ka dhacdey Muqdisho.

Sikastaba ha ahaatee, guddigan ayaa ah mid dood ay ka taagan tahay sharciyadiisa maadaama ay magacowdey xukuumadda xilgaarsiinta. Mucaaradka wuxuu sheegay in laanta fulinta ay kaliya guddigan soo saar karto marka ay haysato muddo xileed dhameystiran waxaana ay cod dheer ku dalbadeen in la kala diro. Balse, maamulka waqtiga ka idlaadey uma gaabin soo jeedintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir: Puntland kama qeybgalayso Shir aan ahayn Gogoshii MW Deni iyo Beesha Caalmka ku baaqeen

Mar hadii shirarka Gollaha Wadatashiga aan looga hadlayn arrimaha muhiimka ee la isku khilaafsan yahay ee salka ku haya dastuurka...

  • Soomaliya

    02-05-2025

  • 05:33PM

Soomaaliya: Fariin loo direy Baarlamaanka oo sheegaysa kulan Sabtida ah – Buuqa oo sii xoogeysanaya

Fadhigii ugu dambeeyey ee Golaha ayaa suurtagal noqon waayey kadib markii…

  • Soomaliya

    02-05-2025

  • 11:56AM