Farmaajo oo dalacsiiyay taliyaha Booliska Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa wuxuu Hal darajo dalacsiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed [Ameeriko].

Dalacsiintaan ayuu Farmaajo ku dhawaaqay kadib markii uu maanta oo Khamiis ah uu kaga qeybgalay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, Kulanka loogu magac daray "Xoogagga Wadaniyiinta Soomaaliyeed" kaasoo ka dhacay xarunta Booliska.

Kulankaan oo si wayn loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socotay madaxtooyadda, xukuumadda, gobolka Banaadir, Xilldhibaano iyo dadwayne tirro badan oo lagu casuumay.

Farmaajo ayaa wuxuu ugu horeyn ugu hambalyeeyay Taliye Ameeriko halka Darajo ee uu dalacsiiyay, wuxuuna tilmaamay inuu ku muteystay kadib wax-qabad muuqda oo uu tilmaamay inuu ku sameeyay Booliska Soomaaliyeed.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay inuu halkiisa kasii waddo Taliyaha howlaha ka duwan ee uu ku bixinayo dhisitaanka ciidamadda Booliska Soomaaliyeed, kaasoo tan iyo burburkii dalka aanan lahayn tayadii looga baahnaa.

Bishii Fabuary ee 2018 ayay ahayd markii Taliye Ameeriko loo magacaabay Taliska ciidamadda Booliska Soomaaliya, isagoo tan iyo markii uu xafiiska la wareegay la tilmaamay inuu ku yimid isbedalo waa weyn ku sameeyay Booliska dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM