Farmaajo oo direy Tacsi aan looga baran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa usoo tacsiyeysay wiil dhalinyaro ah oo maanta ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Alle ha u naxariistee marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Ismaaciil Maxamuud Shidane asagoo caan ku ahaa taageeridda Nabad iyo Nolol.

Ismaaciil ayaa kamid ahaa dhalinyarada firfircoon ee ka soo laabatay dalka dibaddiisa, asagoo door weyn ka qaadan jiray wacyi galinta bulshada iyo hawlaha isxilqaanka ee dib loogu dhisayey dalka.

Ismaaciil ayaa la sheegay in uu u geeriyooday xanuunka macaanka.

Garoweonline ayaa ogaatay in marxuumka  uu ahaan jiray xoghaya madaxweynaha ka hor inta uusan xanuunsan

Xafiiska ugu sareeya dalka ee Villa Somalia ayaan looga baranin ay u tacsiyeeyaan dadka Soomaaliyeed ee eheladooda ugu dhintaan dalka siyaabo kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaan gabi ahaan tacsi u dirin Agaasimihii Idaacada Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed 'Afrika' oo kooxaha Argagixisada ah horey ula  beegsadeen Qarax. 

Waxaa sidoo kale usoo tacsiyeeyay shaqsiyaad aad oogu dhaw Villa Somalia oo uu kamid yahay gudoomiyaha amniga ee gobolka Banadir, Cali Yare.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM