Farmaajo oo gacan-yaraha Fahad ka dhigaya madaxa hay'ada NISA

Image
Cabdiraxmaan Dheere ayaa dhowaan waayey kursiga xubinimada Golaha Shacabka ee #HOP124.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar laga helayo Ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha xilkiisu dhamaadey Farmaajo qorsheynayo inuu agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya u magacaabo Cabdiraxman Dheere.

Cabdiraxman Dheere oo aad ugu dhow Fahad Yaasiin ayaa ahaan jirey xildhibaan ka tirsanaa aqalka hoose ee Barlamanka Federalka Soomaaliya balse xiligaan degaan doorashadiisa Jubaland looga diidey in dib looga soo doorto.

Hogaanka Jubaland ayaa lagu waramay in ay Cabdiraxmaan Dheere u ciqaabeen "taageeradiisa hagar la'aanta ahayd ee xadgudubyada shantii sano ee lasoo dhaafay uu geystay maamulka Farmaajo".

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa kursiga uu ku fadhiyey Cabdiraxmaan Dheere oo summadiisu ahayd HOP124 wuxuu siiyey nin lagu magacaabo Maxamed Nadiif.

Mr Dheere oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee mareegga Facebook-ga wuxuu ku caddeeyay in uu taageerayo doorashadda Mr Nadiif wallow uu u muuqdo mid ay aayuhu bideen.

"Waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa walaalkeey Maxamed Nadiif xildhibaanka cusub ee iga badeli doona kursiga Hop#124 oo aan muddo ugu adeegayey bulshada kursiga lahayd, deegaanka iyo dalka. Waxaan ballan qaadayaa inaan la garab istaago hiil iyo hoo si uu ugu guto waajibkiisa," ayuu hoosta ka xariiqay.

Mr Dheere oo horey uga mid ahaa maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa kamid ahaa shaqsiyaadka maamulayey isku-dayadii Farmaajo iyo Fahad u sameeyeen in ay isbedel dhanka hogaanka ah ka sameeyaan Jubaland, go'doomintii maamulkaas ee sababtay dhimashada hooyooyin xaamilo ahaa iyo duulaankii gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM