Farmaajo oo Golaha Shacabka u diray codsi la xiriira wasiirada Rooble

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasiirka Koowaad ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh oo ka shaqeyn karta hirgelinta qorsheyaasha hortabinta u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashada, adkeynta amniga iyo sii ambaqaadidda guulihii dhanka dowladnimada ee sanadihii la soo dhaafay la gaaray.

Madaxweyne Farmaajo oo ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda tashiyadii ballaarnaa ee uu kala yeeshay qeybaha bulshada soo xulista Golaha cusub ee Xukuumadda ayaa kula dardaarmay dhammaan Golaha Wasiirrada in ay noqdaan masuuliyiin ka tarjuma hamiga iyo himalada ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed xilligaan muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga rajeeyey Golaha Xukuumadda ee la magacaabay in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee hortaalla, kana yeelo Gole si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeega shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM