Maxamed Farmaajo oo ka fakaraya "inuu tartanka isaga haro"

Image
Illo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in kulan ku saabsan doodan uu qabsomay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Farmaajo iyo saaxiibadiisa ku dhow ayaa ku fikiraya inay isaga haraan tartanka kadib markii ay arkeen rajadiisa doorashada oo sii yaraaneysa, sida ay sheegeen laba qof oo dooda wax-ka-og.

Farmaajo iyo Fahad Yasiin ayaa, sida xogtaan sheegeyso, ku fakaraya sidii ay u kala dooran lahaayeen musharaxiinta xilka madaxweynaha u tartameysa midka ay ku taageeri karaan codadka ay ka heli karaan labada gole Barlaman.

Labada nin ayaa ku kala qaybsan fikirka ah musharaxa ay taageerayaan, sida ay sheegayan xogo  laga helayo Ilo ku dhow kooxda Farmajo oo welwel weyn ka hayo isbadalka xowliga ku socda.

Dhinaca kale, Fahad Yaasiin oo ah la Taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha xiligiisu dhamaadey ayaa u dhoofey dalka Qadar halkaas la tashiyo arimaha an la xiriira ku tagey.

Farmaajo ayaa waxaa guuldarooyin balaaran ka soo gaareen doorashooyinkii gudoonka aqaladda baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya kadib markii xubnihii uu taageerayey lagaga guuleyatey.

Mucaaradka ayaa la wareegay guddoonka labada aqal ee baarlamaanka 11aad. Doorashooyinkii qabsoomay maalmihii lasoo dhaafay waxay kooxda Farmaajo u direen dhambaal cabsi ah in ay calaamad su'aal dulsaaran tahay soo laabashadooda.

Sidoo kale, waxaa doorashadda waxay u diraysaa kooxda Farmaajo fariin kale oo xoogan taasoo ah in uu bilowday geedi-socodka lagu badalayo nidaamooda oo lagu eedeeyay in uu shantii sano lasoo dhaafay ay geysteen xadgudubyo sharci-yadeed iyo mid dastuuriyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM