Farmaajo oo ka falceliyey diidmada laga muujiyey guddiyada doorashadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka falceliyey diidmadda uu Aqalka Sare iyo xisbiyada mucaaradka ka muujiyeen guddiyadda doorashooyinka 2020-21.

Isagoo Villa Soomaaliya kula hadlayey dhalinyaro faafreeb lagu sameeyay oo taageereyaashiisa kamid ah, Farmaajo ayaa dhayal-saday eedeymaha loo jeedinayo maamulkiisa ee ku aadan guddiyada lasoo bandhigay.

Xilli uusan si toos ah u abaarin dooda dhinacyadda naqdiyey guddiyadda, Farmaajo ayaa isku dayay in uu jiho kale u leexiyo eedeymaha.

"Waa loo baahan yahay dhalinyaro badan in ay soo galaan siyaasadda. Waa dhab waa la idin ka ilaalin jiray. Waad arkeyseen markaan guddiyadii soo saarnay dad badan oo odayaal ah ayaa qalinaayey oo leh meesha dad la yaqaano kuma jiraan, xagee kasoo baxeen waxaan soo ma fahmin? Meesha ay kasoo baxeen waa dhalinyaro," ayuu u ka qeybgaleyaasha kulankan dhacay maanta.

Xoogaga siyaasadeed ee kasoo horjeestay guddiyadda ayaa sheegay in inta badan xubnaha lagu soo daray ay ka tirsan Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaran si lamid ah Aqalka looga arimiyo waddanka ee Villa Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa sheegay in xubnahaas ay si toos ah u soo xuleen taliyaha NISA, Fahad Yaasiin Daahir, iyo, Cabdinuur Axmed, gacanyaraha Farmaajo.

Murashaxiinta tartanka madaxtinimada oo qoraal wadajir ah soo saarey ayaa sheegay in talaabadan ay abuureyso kalsooni daro, iyaddoo ka digay is-qabqabsi ka dhalata natiijooyinka doorashooyinka baarlamaanka 10aad.

Farmaajo oo ku fashilmay in uu waddanka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah ayaa u hanqal-taagaya in uu difaacdo kursigiisa marka la gaaro 8-da Febraayo.

"Ma aqbali karno doorasho loo qaabeeyay boob iyo ku shubasho," ayaa lagu yiri bayaanka murashaxiinta oo lagu dalbaday in dib loo qaabeeyo guddiyada.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 oo la aaminsan yahay in ay la xasaasiyad badan tahay coddeyntii 2016-kii ayaa waxaa u sharaxan tobanaan murashaxiin ah kuwaasoo qaarkood ku hari kara lacagta diiwaan-gelinta oo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM