Farmaajo oo ku baaqay "dhab-u-jihaynta doorashooyinka"

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Rooble ayuu ku eedeeyay in uu "ka leexdey dhabihii saxda ahaa".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo ayaa dalbadey in dib-u-eegis lagu sameeyo hanaanka doorashooyinka kadib markii ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta "ka leexdey dhabihii saxda ahaa".

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay in Farmaajo uu go'aankan qaatay markii "ay u caddaatay in 14 bilood keddib saxiixii Heshiiskii 17ka Sebteembar 2020 in aysan wali dhammeystirmin doorashooyinka dalka".

Rooble ayuu ku dhaleeceeyay "in uu uu soo saarayo go’aanno kaligiis u gaar ah oo ay ka dhalanayaan caqabdo khatar ku ah geeddi socodka doorashooyinka".

Wasiirka Koowaad ayuu ku sifeeyay mid ka gaabiyay hogaaminta iyo hirgelinta doorashooyinkii uu u xilsaaray "Madaxweynaha sidii ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynuhu ka horjeediyay Golaha Shacabka 1-dii May, 2021".

Sida ku xusan war-saxaafadeedka Villa Soomaaliya oo lagu faafiyey ciwaanka ay ku leedahay mareegga Facebook-ga, Farmaajo ayaa kadib marka uu xeeriyey arrimahan wuxuu go'aansadey;

1: In Ra’iisul Wasaaruha uu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee ahaa hogaaminta doorasho ku dhisan Heshiiskii 17kii Sebtember 2020 iyo habraacyadii dhammeystirayay ee soo baxay 1-dii Oktobar 2020;

2: Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la isugu yimaado shir wadatashi ah oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka kaas oo ay kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doorasho dhammeystiran oo si hufan dalka uga dhacdo.

3: Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la dhagaysto talooyinka waxgaradka, siyaasiyiinta, iyo bulshada rayidka ah ee qaba tabashooyinka la xiriira doorashooyinka si loo helo hannaan doorasho oo ku dhammaada jawi nabdoon oo loo siman yahay.

Soojeedintan ka timid Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa loo arkaa isku-day uu Farmaajo ku doonayo in uu mar kale dib ula wareego hogaanka doorashooyinka taasoo horey uu ugu wareejiyay Rooble markii uu ku fashilmay hirgelinta coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM

Sheekh Shariif: Al-Shabaab Waxay Qabsatay Goobo Muhiim ah, Dowladda Waa Fashilantay

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladda aysan ku guuleysan dhiirrigelinta iyo kalsooni-siinta ciidamada qalabka sida.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:29PM