Farmaajo oo ku baaqay "dhab-u-jihaynta doorashooyinka"

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Rooble ayuu ku eedeeyay in uu "ka leexdey dhabihii saxda ahaa".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo ayaa dalbadey in dib-u-eegis lagu sameeyo hanaanka doorashooyinka kadib markii ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta "ka leexdey dhabihii saxda ahaa".

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay in Farmaajo uu go'aankan qaatay markii "ay u caddaatay in 14 bilood keddib saxiixii Heshiiskii 17ka Sebteembar 2020 in aysan wali dhammeystirmin doorashooyinka dalka".

Rooble ayuu ku dhaleeceeyay "in uu uu soo saarayo go’aanno kaligiis u gaar ah oo ay ka dhalanayaan caqabdo khatar ku ah geeddi socodka doorashooyinka".

Wasiirka Koowaad ayuu ku sifeeyay mid ka gaabiyay hogaaminta iyo hirgelinta doorashooyinkii uu u xilsaaray "Madaxweynaha sidii ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynuhu ka horjeediyay Golaha Shacabka 1-dii May, 2021".

Sida ku xusan war-saxaafadeedka Villa Soomaaliya oo lagu faafiyey ciwaanka ay ku leedahay mareegga Facebook-ga, Farmaajo ayaa kadib marka uu xeeriyey arrimahan wuxuu go'aansadey;

1: In Ra’iisul Wasaaruha uu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee ahaa hogaaminta doorasho ku dhisan Heshiiskii 17kii Sebtember 2020 iyo habraacyadii dhammeystirayay ee soo baxay 1-dii Oktobar 2020;

2: Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la isugu yimaado shir wadatashi ah oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka kaas oo ay kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doorasho dhammeystiran oo si hufan dalka uga dhacdo.

3: Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la dhagaysto talooyinka waxgaradka, siyaasiyiinta, iyo bulshada rayidka ah ee qaba tabashooyinka la xiriira doorashooyinka si loo helo hannaan doorasho oo ku dhammaada jawi nabdoon oo loo siman yahay.

Soojeedintan ka timid Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa loo arkaa isku-day uu Farmaajo ku doonayo in uu mar kale dib ula wareego hogaanka doorashooyinka taasoo horey uu ugu wareejiyay Rooble markii uu ku fashilmay hirgelinta coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM