Farmaajo oo "ku macan-gagaya" doorasho la isku hayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa "ku macan-gagaya" qabashadda doorashooyin lagu muransan-yahay, halka mucaaradka uu goobayo in uu qabto doorasho kale hadii xal la waayo, sidda uu wariyey wargeyska Al Ceyn.

Is-mari-waaga guddiyada doorashooyinka ee u dhaxeeya dowladda iyo murashaxiinta ayaa sii daba-dheeraanaya xilli bishii labaad la guda galayo iyadoo aan wali wada-ogol laga gaarin qadiyaddan.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in guddiyadda aysan dhexdhexaad ahayn kuna jiraan taageereyaasha madaxweyne Farmaajo, shaqaale dowladeed iyo askar si gaar ah saraakiil ka tirsan Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka.

Sabtidii, guddiyadda lagu muransan yahay ayaa iska dhex-doortey guddoon iyaddoo ay maqan yihiin Jubaland iyo Puntland kuwaasoo ka hor-yimid hanaanka ay doorashadda u maamuleyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Farmaajo oo markii ugu horeysay ka hadlay is-qabqabsiga doorashadda ayaa ku adkeystay qabashadda xilli muran ka taagan yahay wuxuuna waydiistay Puntland iyo Jubaland in ay soo dhameystiraan xubnaha ku metalaya guddiyada.

Midowga Murashaxiinta oo bayaan soo saarey Sabtidii waxay cambaareeyay talaabada ay guddiga ku doorteen guddoonka, waxayna carabka ku adkeeyeen baahidda loo qabo in gabi ahaanba meesha laga saaro xubnaha ku jira.

Golaha ayaa wacad ku maray in uu qaadayo talaabo kasta oo suurtagal ah si waddanka looga badbaadiyo qalalaase, waxayna sheegeen in cawaaqib kasta oo ka yimaadda guddiga la isku hayo uu dusha u ridanayo Farmaajo.

Ridwaan Xirsi, afhayeenka Midowga Murashaxiinta, ayaa tibaaxay in ay magacaabeen guddiga badbaadinta doorashooyinka Qaranka kaasoo dhankiisa iska dhex-doortey guddoon – gudoomiye, ku xigeeno, iyo afhayeen.

Falanqeeyeyaasha ayaa rumeysan in talaabada guddiga mucaaradka ay la macno tahay in ay qaban doonan doorasho kasoo horjeeda tan dowladda oo ku gacanseyrtay in ay xaliso tabashadooda ku aadan guddiga la isku hayo.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in maamulka Farmaajo uu ku fekerayo in uu HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ku amro in ay qabtaan doorashooyin. Balse, talaabadaas waxaa ka digay murashaxiinta.

Isaga oo ka hadlayey shirka Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ee Isniintii ka qabsoomay Muqdisho, ergayga Mareykanka, Donald Yamomota, ayaa ka digay doorashooyin iska soo horjeeda, dib-u-dhac iyo wax ka bedelka heshiiska doorashooyinka ee dhexmaray dowladda iyo maamulada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaamka hogaamiya Jubaland ayaa ku adkeystay in gobolkiisa aysan ka dhici karin doorasho iyaddoo aysan gacanta ugu jirin gobolka Gedo wuxuuna codsaday in lagu soo wareejiyo.

Bishii November 4-deeda, ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaciyey liiska xubnaha guddiyadda doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka. Balse xukuumadiisa waxay ku milantay ololaha soo laabashada Farmaajo.

Maamulada taabacsan rajiimka Farmaajo ee kala ah; Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa soo xulay xubnaha lagu muransan yahay, halka xubnaha ay soo gudbiyeen Jubaland iyo Puntland uusan ka taagneyn wax is-qabqabsi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 11:37AM

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM