Farmaajo oo ku wajahan Afgooye [Ujeedka Safarka]

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku wajahan degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamo gaar ah ayaa la geeyay degmada kuwaasoo saaka halkaasi ka sameeyay howlgallo lagu xaqiijinayo amaanka kahor booqashada Farmaajo, sida ay Warsidaha Garowe Online u sheegeen mas'uuliyiin katirsan maamulka Afgooye.

Diyaar-garowga soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa laga dareemayaa maanta Afgooye, waxaana booqashadan ay noqonaysaa midii labaada oo uu Farmaajo ku tago degmadan, oo 30-KM dhanka waqooyiga galbeed uga beegan Muqdisho.

Wali Villa Soomaaliya wax fahfaahin ah kama aysan bixin ujeedka safarka Farmaajo, balse warar ayaa sheegay inay la xiriirto arrimaha amniga, oo kulan kala yeelanayo Madaxda maamulka Koonfur Galbeed, Taliye-yaasha amniga iyo Waxgaradka degmada.

Amaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo ayaa ah mid aan la isku haleyn karin, oo Al-Shabaab ay ku xoog badan tahay islamarkaana ka beegsata Kolonyada Ciidamada iyo Mas'uuliyiinta ku safraya.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhowaan ka dalbaday dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka gacan siiso dib u furida wadooyinka Al-Shabaab ay go'doomisay, si isku socodka shacabka iyo ganacsiga Baydhabo iyo Muqdisho loo fududeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Dib u Celiyay Baasaboorka Kenya

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Jibriil bishii Juun laga celiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 02:08PM

Mucaaradka Soomaaliya Oo Sharci-darro Ku Tilmaamay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka

War-saxaafadeedka ayaa kusoo beegmaya iyadoo dalka uu ka taagan yahay muran la xiriira sharciyadda hay'adaha dowladda.

  • Soomaliya

    02-08-2026

  • 08:08PM