Farmaajo oo ku wajahan Jabuuti xilli xiriirka labada dal uu xumaaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la xaqiijiyay in maalinta berri ah [16-ka August 2018], uu booqasho ku tagi doono dalka Jabuuti, xilli uu dhawaan xumaaday xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Cabdinuur Maxamed oo ku magacaaban Agaasimaha Warfaafinta Villa Soomaaliya, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in booqashada Madaxweynaha ay la xiriirto sidoo uu usoo xoojin lahaa cilaaqaadka Jabuuti.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalinta berri ah booqanaya Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti," ayuu yiri Cabdinuur.

Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa kadib markii dowladda Jabuuti ay kala baxday Muqdisho, iyadoo si kulul u cambaareysay baaqii Farmaajo ee uu ugu baaqay Qaramada Midoobey inay cunaqabeynta ka qaado Eritrea. [Halkan ka akhri Warbixinta].

Jabuuti ayaa sheegtay inaysan aqbali karin in iyadoo naf iyo maal u hurtay soo celinta dowladnimada iyo nabada Soomaaliya haddana ay dowladda Federaalka haatan jirta la safato cadowgeeda Eritrea, oo ka haysata maxaabiis iyo dhul ku yaalla xadka.

Farmaajo ayaa booqasho saddex maalmood qaadatey ku tagey Eritrea dhamaadkii bishii July ee sanadkan, isagoo Asmara kula kulmay dhihiisa dalkaasi Isaisa Afwerki oo ay heshiis lagu soo celinayo xiriirka labada wadan ku kala saxiixdeen.

Wafdi ka socda Eritea oo uu hogaaminayay Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi ayaa todobaadkan booqasho labo maalmood ah ku yimid Muqdisho, kaasoo la kulmay Ra'iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 06:07AM