Farmaajo oo la kulmay taliyeyaal kadib qaraxyo lagu hoobtey

Image
Image
Image
Mucaaradka ayaa rumeysan is-aragan uu madaxweynaha waqtiga ka dhacay ku muujinayo in uu wali xukumo ciidanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayaa Sabtida maanta ah wuxuu kulan la qaatay Guddoonka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda ayaa wuxuu "faray adkeynta amniga guud ee dalka iyo kan caasimadda".

Sida ay sheegtay Villa Soomaaliya, Farmaajo ayaa ka dhageystay Talisyada Booliska iyo Nabad-sugidda Soomaaliyeed warbixinno ku saabsan baaritaannada hordhaca ah ee falalkii argagixisanimo ee toddobaadkii tagay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Isaga oo soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in Ciidamadu ay kordhiyaan howl-galladooda iyo feejignaantooda, maadaama dalku uu ku jiro xilli doorasho ayna nagu soo wajahantahay Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan oo sanadihii la soo dhaafay ay ku guuleysatay Dowladdu ka hortagga iyo yareynta dhagartii argagixisadu ay soo maleegi jireen Bishan".

"Waxaan dagaal kula jirnaa cadow arxan laawe ah oo khatar ku ah amnigeenna iyo jiritaankeenna. Argagixisada Al Shabaab ee aan la dirireyno waxa ay ka shaqeynayaan gumaadka iyo xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay ka heli karaan fursaddaas, sidaas awgeed waa in aan markasta heegan buuxa ku jirnaa, si dhowna ula shaqaysaan Shacabkeenna idinla garab taagan hiilka iyo xogta dhagar-qabeyaasha," ayuu yiri Farmaajo, sida ku xusan bayaanka.

Farmaajo ayaa faray Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida, in loo dhimriyo Shacabka Soomaaliyeed xilliyada ay ciidammadu samaynayaan hawlgallada lagu sugayo amniga.

"Sidoo kalena, la xoojiyo wadashaqeynta iyo is-dhexgalka Hay'adaha Ammaanka iyo Bulshada, si kor loogu qaado wadashaqaynta iyo kalsoonida shacabku ay ku qabo ciidammadooda geesiyaasha ah," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Kulanka Farmaajo iyo taliyeyaasha ciidamadda ayaa kusoo aadaya xilli weeraro lagu hoobtey ay ka dhaceen Muqdisho iyo Beledwayne todobaadkii lasoo dhaafay. Siyaasiyiinta mucaaradka waxay rumeysan yihiin in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey uu shirkan u qabtey sidii u muujiyo in uu wali xukumo ciidanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM