Farmaajo oo la wariyey in uu "xoqanayo kaarkii u dambeeyay"

Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey ayaa abaabul ka bilaabay caasimada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo ayaa isku dayaya in uu kala fur-furo mucaaradka si gaar ah ciidamadda iyo hogaanka dhaqanka, sidda ay xaqiijinayaan warar xog-ogaal ah.

Farmaajo ayaa lagu waramay in maalmihii lasoo dhaafay uu siyaabo kala duwan u qaabilay saraakiil ciidan gaar ahaan kuwii hormuudka u ahaa kacdoonkii lagu dhiciseeyay muddo kororsigii sharci darada ahaa.

Shaqsiyaadka la fariistay Farmaajo waxaa kamid ah Jeneraal Saadaq Joon kaasoo xilkiisa taliyaha booliska gobolka Banaadir ku waayey in uu ka hor-yimid dheereysiga kuna baaqay doorasho loo dhan-yahay.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in kahor kulanka Farmaajo uu Saadaq Joon la shiray Fahad Yaasiin Daahir, gacanta midig ee Farmaajo kuna magacaaban lataliyaha arrimaha ammaanka qaranka.

Mucaaradka ayaa tuhunsan in abaabulka uu Farmaajo bilaabay uu qayb ka yahay "dhagar uu maagan yahay". Wallow aysan bixin tafaasiil, qaar badan waxay aaminsan yihiin in ay qorshaha ugu jirto dagaal dhiig ku daato.

Axmed Macalin Fiqi, wasiirkii hore ee amniga Galmudug kana tirsanaa Golaha Shacabka baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in laga hortago "dhiiladda Farmaajo".

"Farmaajo kaarkiisii u danbeeyey waa inuu qabaa’ilka Muqdisho isku seefeeyo, mid walbana dhabarka ka taabto! Ma jirto doqonimo ka weyn rag waaweyn oo nin waqtigisii dhamaaday isku garbinaya! Yaahuu," ayuu yiri.

Dhanka kale, warar soo baxaya waxay xusayaan in abaabulka Farmaajo ka wado caasimadda ay qayb ka tahay latashiyo uu la sameynayo hogaanka beelaha qaar si ay u soo xushaan bedelka Rooble.

Soomaaliya ayaa ku dhowaad hal sano waxay taagan tahay isgoys halis ah taasoo ka dhalatay dib-u-dhac ku yimid doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimadda si lamid ah khilaaf hogaanka sarre ee dalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM