Farmaajo oo la xiriiray Al-siisi xilli Khilaaf Imaaraadka sii xumaanayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xiriir Khadka Taleefonka la sameeyay dhigiisa Masar Cabdifitaax Al Siisi.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu ugu hambalyeeyay Al Siiisi guusha uu ka gaarey doorashadii bishan ka dhacday dalkiisa, oo mar labaad xilka loo doortay.

Si buuxda looma shaacin waxyaabaha kala ee ay kawada hadleen Farmaajo iyo dhigiisa Masar, marka laga reebo hambalyada doorashada Al Siisi.

Xiriirka uu la sameeyay Madaxweyne Farmaajo Al Siisi ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladdiisa xiriirkii kala dhaxeeyay Imaaraadka uu aad u xumaaday, islamarkaana ay labada dal qarka u saaran yihiin inay Safaaradaha kala qaataan.

Warar ayaa sheegay in Farmaajo uu ka codsaday Al Siiisi inuu sooo farageliyo Khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka, maadaama Masar ay kamid tahay dalalka xulufada Carbeed ee xiriirka u jaray Qadar June 5, 2017.

Madaxweyne Farmaajo ayaa baajiyay safar la filyay inuu bishan ku tago Qadar sababo la xiriira Khilaafkii ka taagnaa Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM