Farmaajo oo lagu eedeeyay "abuurida khalkhal amni"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga musharixiinta ayaa war-saxafadeed ku cambaareeyay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya. Waxay sidoo kale sheegeen in Farmajo uu u dan leeyahay sidii khalkhal amni loo abuuri lahaa.

Bayaankan uu arkay Garowe Online ayaa intaas ku daraya in isbedelada iyo magacaabida Farmaajo sameeyay ay carqalad ku yihiin dedaalada xukuumada xilgaarsiinta ee cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil Faarax.

"Sidoo kale, waxaa lagu xagal-daacinayaa doorashooyin daahfuran oo waqtigooda ku dhaca," ayaa la raaciyey warka qoraalka ah oo shacabka ugu baaqay in ay ka hor-yimaadaan go'aanada baalmarsan dastuurka.

Saraakiisha ciidamada ayay ugu baaqeen in aysan u hogaansamin talaabooyinka uu qaadey Farmaajo kaasoo isku-bedelay saraakiishii haysay xilalka lataliyaha amniga, agaasimaha madaxtooyada iyo taliyaha sirdoonka qaranka.

Kiiska Ikraan Tahliil ayaa u muuqda mid horseeday xasarad uu waddanka galo. Xiisadaas waxaa si weyn looga cabsi qabaa in ay ka dhalato cawaaqib saameyn ku yeelata doorashooyinka lagu han-weyn-yahay in dalka uu u dareero.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM