Farmaajo oo lagu eedeeyay "abuurida khalkhal amni"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga musharixiinta ayaa war-saxafadeed ku cambaareeyay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya. Waxay sidoo kale sheegeen in Farmajo uu u dan leeyahay sidii khalkhal amni loo abuuri lahaa.

Bayaankan uu arkay Garowe Online ayaa intaas ku daraya in isbedelada iyo magacaabida Farmaajo sameeyay ay carqalad ku yihiin dedaalada xukuumada xilgaarsiinta ee cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil Faarax.

"Sidoo kale, waxaa lagu xagal-daacinayaa doorashooyin daahfuran oo waqtigooda ku dhaca," ayaa la raaciyey warka qoraalka ah oo shacabka ugu baaqay in ay ka hor-yimaadaan go'aanada baalmarsan dastuurka.

Saraakiisha ciidamada ayay ugu baaqeen in aysan u hogaansamin talaabooyinka uu qaadey Farmaajo kaasoo isku-bedelay saraakiishii haysay xilalka lataliyaha amniga, agaasimaha madaxtooyada iyo taliyaha sirdoonka qaranka.

Kiiska Ikraan Tahliil ayaa u muuqda mid horseeday xasarad uu waddanka galo. Xiisadaas waxaa si weyn looga cabsi qabaa in ay ka dhalato cawaaqib saameyn ku yeelata doorashooyinka lagu han-weyn-yahay in dalka uu u dareero.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM