Farmaajo oo lagu taliyey in ay dan ugu jirto in uu xilka si nabad uga dego

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo waa in uu iska ilaaliyo in uu dagano siyaasadeed ka galo siyaasi ama waddanka si uu nabad ugu noolaado Muqdisho, sidda uu ku waaniyay murashax Daahir Maxamuud Geelle.

Geelle, wasiirkii hore ee warfaafinta haddana kamid ah tartameyaasha doorashooyinka hogaanka waddanka ee 2020-21, ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in coddeynta soo aadan ay noqoto mid loo dhanyahay.

Isagoo ka hadlayey maalinii afaraad ee shirka murashaxiinta madaxtinimada, Daahir oo soo noqdey danjiraha Soomaaliya ee Sacuudiga ayaa ku tartarsiiyey madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo in uu xilka uga dego qaab nabad ah.

"Kow madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan u daneynaynaa. Sidii dadkii hore ku imaan jiray waa ku yimid, sidii dadkii hore ku degi jireen in uu ku dego ayaan rabnaa hadii uusan ku degin dhib baa imaan karo," ayuu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay in ay caddeyso mowqifkeeda shirarka ka dhanka ah ee laga abaabulayo magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Siyaasiga oo ka digay gacan-ka-hadal ka dhasha isku-day kasta oo madaxda talada haysa ay ku maroor-sanayaan doorashooyinka ayaa si cad u sheegay in cawaaqibka ka yimaada aysan dadka wada qaadi doonan mas'uuliyadeeda.

"Isbedel siyaasadeed oo huteel ka abaabulan huteel, radio, Tv ama guri hadii la waayo xero ciidan, xaafad, qori, bambo iyo qarax wax ka abaabulan ayaa imaanayo; dowladnimada Soomaaliyana waxaan rabnaa sheegasho, garnaqsi iyo barnaamij soo bandhigasho in ay isku bedesho," ayuu carabka ku adkeeyay.

Diblumaasiga ayaa rumeysan in shirkooda lagu difaacayo dimuqraadiyada waddanka loogana hortagayo kelitalisnimo miciyo lasoo baxeysa.

"Annaga waxaan rabnaa dimuqraadiyadda Soomaaliya ee curdunka ah in ay sii xidideysato, kelitalisnimo miciyaheeda lasoo baxeysa oo dulka sii galeysa ayaan rabnaa in aan annagana kawada hor-imaano," ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM