Farmaajo oo lagu waaniyey in uu aqbalo in uu musharax yahay

Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey ayaa lagu booriyey in uu ka tanaasulo faragelinta doorashada.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo waa in uu aqbalo in uu yahay musharax madaxwayne oo lamid ah dhigiisa, sida uu ku waaniyey khabiir ahna falanqeeye siyaasadeed.

Matt Bryden, aas-aasaha machadka Sahan Research oo xalay ka hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sidoo kale wuxuu ku waaniyey Farmaajo in uu ka laabto sheegashadiisa ah in uu yahay hogaamiyaha qaranka.

Farmaajo ayaa muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Feberaayo, 2020-ka. Tani waxay la macno tahay in uu xafiiska joogo ku dhowaad hal sano. Mudadaas, Soomaaliya waxay dartiisa garka u fuushay colaad.

"Madaxwaynihii hore Farmaajo waa in uu ka laabto sheegashadiisa ah in uu yahay hogaamiyaha qaranka uuna aqbalaa maqaamkiisa oo ah musharax sidda madaxwayneyaashii horey uuna ogolaado in geedi-socodka doorashada horey u sii socdo iyada oo uusan saameyn ku lahayn musharax gaar ah," ayuu Bryden yiri.

Dadka Soomaaliyeed ayuu ku tartarsiiyey in ay xusul-duub u galaan sidii ay u heli lahaayeen hogaamiye dadka isku wadda kari dalkana kusoo dabaali kara nabad.

"Waa in aanan ka hadlin taliye guud ciidan. Balse waxa ay Soomaalidu u baahan yihiin waa qof dadka isku keeni kara," ayuu ka dhawaajiyey Matt Bryden.

Mucaaradka oo abaabul ka dhan ah Farmaajo ka wadda caasimadda kaasoo ujeedkiisu yahay in dalka uusan mar kale colaad dhexda u gelin ayaa madaxwaynihii hore ku eedeeyay digtaaroojiyad iyo xukun jaceyl xooggan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM