Farmaajo oo lagu waaniyey in uu aqbalo in uu musharax yahay

Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey ayaa lagu booriyey in uu ka tanaasulo faragelinta doorashada.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo waa in uu aqbalo in uu yahay musharax madaxwayne oo lamid ah dhigiisa, sida uu ku waaniyey khabiir ahna falanqeeye siyaasadeed.

Matt Bryden, aas-aasaha machadka Sahan Research oo xalay ka hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sidoo kale wuxuu ku waaniyey Farmaajo in uu ka laabto sheegashadiisa ah in uu yahay hogaamiyaha qaranka.

Farmaajo ayaa muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Feberaayo, 2020-ka. Tani waxay la macno tahay in uu xafiiska joogo ku dhowaad hal sano. Mudadaas, Soomaaliya waxay dartiisa garka u fuushay colaad.

"Madaxwaynihii hore Farmaajo waa in uu ka laabto sheegashadiisa ah in uu yahay hogaamiyaha qaranka uuna aqbalaa maqaamkiisa oo ah musharax sidda madaxwayneyaashii horey uuna ogolaado in geedi-socodka doorashada horey u sii socdo iyada oo uusan saameyn ku lahayn musharax gaar ah," ayuu Bryden yiri.

Dadka Soomaaliyeed ayuu ku tartarsiiyey in ay xusul-duub u galaan sidii ay u heli lahaayeen hogaamiye dadka isku wadda kari dalkana kusoo dabaali kara nabad.

"Waa in aanan ka hadlin taliye guud ciidan. Balse waxa ay Soomaalidu u baahan yihiin waa qof dadka isku keeni kara," ayuu ka dhawaajiyey Matt Bryden.

Mucaaradka oo abaabul ka dhan ah Farmaajo ka wadda caasimadda kaasoo ujeedkiisu yahay in dalka uusan mar kale colaad dhexda u gelin ayaa madaxwaynihii hore ku eedeeyay digtaaroojiyad iyo xukun jaceyl xooggan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM