Farmaajo oo loo diray baaq la xiriira kiiska Ikraan Tahliil

Image
Madaxtooyadda Soomaaliya oo caqabad ku noqotay baaritaanka qadiyaddan haweenaydan maqan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo waa in uu joojiyaa ishortaaga cadaalad u helida Ikraan Tahliil Faarax, sida uu shaaca ka dhigay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsame oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee mareegga Facebook-ga ayaa xusuusiyey Farmaajo "caddaaladda oo la hor istaago ay danbi qaran yahay".

"Hay’adda xasaradda adduunka (International Crisis Group), wargeysyada caanka ah ee Washington Post iyo Bloomberg ee dalka Maraykanka ka soo baxa oo wax ka qoray kiiska Ikraan Tahliil ayaa sheegay in Ikraan loo dilay xog ay ka haysay arrimo la xariira heshiiskii amniga ee seddax geesoodka ahaa ee u dhexeeyey Eriteria, Ethopia iyo Somalia, ciidankii Eretrea loo qaaday iyo qorshaha fulinta heshiiska. Dhammaantood waxay xigteen saraakiil Qaramada Midoobay iyo kuwo reer Galbeed ah," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxaan mar kale garab taagannahay waalidka Ikraan Tahliil. Waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha xilkiisa dhammaaday in uu joojiyo hor istaagga caddaaladda. Waxaan xusuusinayaa in caddaaladda oo la hor istaago ay danbi qaran yahay".

Madaxtooyadda Soomaaliya oo caqabad ku noqotay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax, sida ay sheegtay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka federaalka 10aad ee Soomaaliya.

Aamina oo qoraal ku daabacdey ciwaankeeda gaarka ah ee Facebook-ga ayaa shaaca ka dhigtay "in dadka kiiska lagu tuhmayay ay awoodda doowladda isku qarinayaan".

Sida laga soo xigtay Aamina, "Sidoo kale waxa ay isku dayayaan in caddeeymihii kiiska oo idil la baab’iyo oo ay ugu horeeyaan Kaamirooyinkii in la tirtiro".

Ikraan oo ka tirsaneyd hay'adda sirdoonka qaranka gaar ahaan qeybta keydinta macluumaadka ayaa la rumeysan yahay in ay sababsatay kiiska dilka Injineer Yariisow iyo askarta tababarka loogu qaadey Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM